Xisbi Xarumuhiisa la rejaynayo in laga furo Somaliland, Puntland , Jubaland, Khaatumo, Hirshabeelle, Galmudug iyo G.Benaadir ayaa Muqdisho looga dhawaaqay xalay.
Muqdisho, waxaa ka qabsoontay daahfurka Shirweynaha 1aad ee Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, qaar kamid ah xukuumaddiisa iyo madaxda maamul goboleedyada Koonfur galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo SSC-Khaatumo.
Ansixinta Dastuurka Xisbiga iyo xeerhoosaadkiisa, doorashada xubnaha guddiga, guddoomiyaha iyo musharaxa xisbiga oo la doortay, intaasii waxa ay ahaayeen dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee xalay xisbiga Cadaaladda laga diiwaangeliyay.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ahna musharraxa ururka ayaa shirka ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay muhiimadda ay leedahay in dalka uu yeesho nidaamka xisbiyada badan ee siyaasadda.
Masuuliyiinta qaar ee Xisbiga waxa ay sheegeen in xisbiga laga furi doono xurumihiisa Somaliland, Khaatumo, Puntland, Jubaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo G.Benaadir, cidii ka hor timadana la iska qaban doono.
Dhankiisa, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga horyimid furitaanka xisbigan ay ku mideysanyihiin madaxda sare ee dalka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka, kuna tilmaamay in xisbigani uusan ka shaqeyn doonin wax caddaalad iyo wadajir ah.