Saturday, June 7, 2025

Yaa lagu Casuumay Gogosha Wadatashiga Qaran ee 15-ka Juune?

MUQDISHO, Juun 4, 2025 – Warbaahinta afka dowladda ku hadash ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah ugu casuumay siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada Gogosha Wadatashiga Qaran ee la qorsheeyay in lagu qabto 15-ka Juune 2025.

Qoraalka ka soo baxay warbaahinta dowladda  4 Juun 2025, ayaa sheegay in casuumad rasmi ah loo diray siyaasiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, waxaana ka mid ah Madaxweynayaashii hore, Guddoonkii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaareyaashii hore, Madaxweynayaashii hore ee Dowlad-goboleedyada, Ururrada siyaasadeed, Bulshada rayidka, iyo Siyaasiyiin kale oo muhiim u ah gogosha uu Madaxweynaha ku baaqay ee 15-ka Juun.

Qoraalka waxa uu intaas ku daray in Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda dadaallo iyo kulammo gaar gaar ah, si ay gogosha 15-ka Juun u noqoto mid miro dhal ah oo saldhig u noqota isfaham, dib u heshiin, iyo horumar qaran.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa horey u sheegay in 15-ka Juun 2025 magaalada Muqdisho ay ka furmi doonto Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada, iyadoo loogu talagalay in la abuuro wadahadal dhab ah oo ku dhisan danta guud ee dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here