Thursday, September 19, 2024

15 Xaqiiqo dublamaasiyadeed oo dheellitiraya xiisadda Soomaaliya iyo Ethiopia

Muqdisho (Dawan)- Marka ay walaalka, saaxiibka iyo cadowga isku ekaadaan, waxa adkaada isku dheellitirka danaha si go’aano masiiri ah loo gaaro. 15 kaan xaqiiqo ayaa ah kuwa go’aaminaya dhammaadka  xiisadda badda ee Itoobiya iyo Soomaaliya ka taagan.

  1. Masar oo ay Ethiopia isku hayaan qoondada biyaha webiga Niilka, ahna dowladda kaliya ee Soomaaliya inay difaaceyso caddeysatay, waxay xulufo la tahay la tahay Sucuudiga iyo Imaaraatka, dhowaanahaanna waxay isku soo dhowaanayeen Qatar.
  2. Dowladaha Imaaraatka iyo sucuudiga oo isku diyaarinaya ka guuritaanka ku tiirsanaanta shidaalka waxay isku diyaarinayaan maalgashi dibadeed. Itoobiya waxay ka arkaan dhul dihan, shaqaale jaban iyo siyaasad arrime dibadeed oo fadhisa.
  3. ⁠Masar waa awood ciidan iyo shaqaale xirfad leh oo dhaqaajin kara mashaariicda dowladahaan, waxayna kaalin weyn ku leedahay xasilloonida gobolka.
  4. Xiriirka Dowladda Soomaaliya ay la leedahay Imaaraatka aad ayuu hoos ugu dhacay bilooyinkii u dambeeyay
  5. Sucuudiga wuxuu Soomaaliya ku wajahaa siyaasad feejigan, ajendayaashiisa waaweyna Soomaaliya ugama jirto meel muhiim ah. Mushkilana kuma heyso, muhiimna uma arko.
  6. ⁠Qatar oo ay Turkigu isku dhowyihiin daneyneysana dekadaha Soomaaliya kama marna loolanka.
  7. ⁠Turkiga; Maalgashiga ay Ethiopia ku sameeyeen wuxuu kor u dhaafay 2Bilyan oo dollar, waxaa ka howlgala in ka badan 200 oo shirkadood oo Turki ah, si Turkigu danahaas u ilaaliyo kama laba labayn difaaca dowladda Ethiopia si ay uga taqalusto Fallaagadii Tigree-ga.
  8. ⁠Dowladda Soomaaliya waxay Turkiga la gashay laba heshiis oo difaaca iyo shidaal baaris leh; labaduba badda ayey quseeyaan. Maadaama ay badda maamulayaan galaangal ma u yeelanayaan in damaca Ethiopia ee badda ay kaalin ka geystaan
  9.   ⁠Xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Qatar aad ayuu u liitaa, sidii xilka madaxweyninimo dib loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud.
  10. Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa isna mugdi soo galay kadib fashilka wadahadalladii ugu dambeeyay ee Ankara iyo cadaadiska lagu hayo shirkadaha Turkida ah ee Dekadda iyo Garoonka Muqdisho maamula.
  11.  ⁠Mareykanka iyo Ingiriiska waxay gadaal ka taagan yihiin qorshayaasha dowladaha khaliijka, go’aanadii ugu dambeeyay ee dowladda Soomaaliya ee heshiisyada kheyraadka ku bixisayna kuma faraxsana.
  12. Jabuuti oo ay dakadeeda Ethiopia hadda adeegsato, xiriir wanaagsanna la leh Soomaaliya waxay isku dheellitereysaa danaha iyo xiriirka, dabcan mid ayeyna dooran doontaa.
  13. Eritrea oo ay Jabuuti is hayaan, Ethiopia-na aysan isku fiicnayn waxay xiriir aan la ogyen salkiisa la leedahay madaxweynaha Soomaaliya, dabcan Ethiopia oo ciidan badeed yeelatana kuma faraxsana.
  14. Ethiopia waa xarunta midowga Afrika, arrinkaan waxa uu u sahlay in ay xiriir fiican la yeelato inta badan dalalka Qaaradda Afrika, taas oo awood ahaan aad ugu adag dowladda Soomaaliya.
  15. China waa maalgadaha ugu weyne ee Ethiopia, haddan dhanka kale waxay Soomaaliya ka rabtaa inaysan Tiwan aqoonsan, bedelkeedana waa inaysan Somaliland oqoonsan.

Ma kula tahay in masuuliyiinta dowladda Soomaaliya xallin karaan isla egtaan oo ay natiijo dalka badbaadisa ka soo dhex saari karaan danaha dowladahaan ee is diidan?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here