Saturday, July 27, 2024

Fiqi oo ka qayb galay kulanka loogu gogol-xaarayo shir-madaxeedka carbeed

Manama (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Talaado ah kaga qeybgalay Magaalada Manama ee Caasimadda Boqortooyada Bahrain , Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Golaha Jaamacadda Carabta oo gogol-xaar u ah Shir madaxeedka Carbeed, meertadiisa caadiga ah ee 33-aad.

Kulanka heer Wasiir ee Jaamacadda Carbta, waxaa lagu lafa guray dhowr qodobo oo la doonayo inay ka mid noqdaan ajandayaasha go’aannada ka soo bixi doona Shir madaxeedka Carbeed.

Wasiir Fiqi ayaa inta uu kulanka socdo la kulmi doona tiro ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada Carbeed ee , iyadoo la filayo in shirka uu ka soo baxo go’aanno lagu taageerayo Soomaaliya.

Kulanka wasiirada arrimaha dibadda ee Carabta, waxaa ka horeeyay kulamo ay lahaayen guddiyada kala duwan ee ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo lagu falanqeeyay arrimaha ka jira dunida Carabta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here