Sunday, December 22, 2024

161 dhallinyaro ah oo laga soo badbaadiyay dhibaatada Liibiya 

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa hay’ado caalami ah, ayaa ku guuleysatay dib u soo celinta 161 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xayirnaa dalka Liibiya. Dhalinyaradan, oo soo maray xaalado adag, waxaa lagu soo celiyay dalkooda hooyo iyada oo loo marayo Barnaamijka Is-xilqaan ee Bani’aadantinimada (Voluntary Humanitarian Return – VHR).

Dhalinyarada ayaa laga kala dejiyay magaalooyinka Muqdisho ( 87) iyo Hargeysa ( 74)

Hawlgalkii dib-usoo celinta

Hawlgalkan oo ahaa mid ay soo wadday xukuumaadda Soomaaliya waayihii ugu dambeeyay, waxaa hirgelintiisa fududeeyay hay’adaha caalamiga ah sida IOM, UNHCR, iyo Midowga Yurub. Dowladda Soomaaliya waxay caalamka tusineysaa sida ay uga go’an tahay wax ka qabashada caqabadaha tahriibka iyo badbaadinta muwaadiniinta ku go’doonsan dalal shisheeye.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Macallin Fiqi ayaa tilmaamay sida ay dowladda Soomaaliya uga shaqeyneyso ilaalinta xuquuqda muwaadiniinteeda, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee la xiriira soo celinta iyo dib u dejinta dadkan.

Danjire Maryan Yaasiin, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta, ayaa sheegtay in tallaabadan ay muujinayso isku xirnaan xooggan oo dhexmarta hay’adaha qaran iyo kuwa caalamiga ah.

Safiirka Soomaaliya ee Liibiya, Danjire Cabdi Aadan, ayaa kaalin mug leh ka qaatay isku-dubaridka dadaallada gudaha Liibiya, isagoo xaqiijiyay in dhallinyarada si nabad ah loogu soo celiyo dalkooda.

Taageerada Caalamiga ah

Mas’uuliyiinta Midowga Yurub iyo IOM ee Soomaaliya, Karin Johansson iyo Manuel Marques Pereira, ayaa bogaadiyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka tahriibka. Waxay qireen in iskaashiga noocan ah uu muhiim u yahay wax ka qabashada caqabadaha socdaalka iyo taageerada dadka ku go’doonsan meelaha halista ah.

    Share this article

    Recent posts

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here