Saturday, July 27, 2024

Midowga Yurub oo Soomaaliya ka taageeraya dhanka ciidanka

Brussels (Dawan)- Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka ee Midowga Yurub ayaa ansixiyay Lacag gaareysa Hal-Milyan oo Euro , taas oo lagu kabayo taageeradii la siin jiray ciidanka Soomaaliya.

Midowga Yurub waxa uu horay usoo gaarsiiyey ciidanka xoogga Soomaaliya qalab iyo saanad ciidan balse taageeradaan cusub ayaa ka duwan tii hore waxaana Soomaaliya heli doontaa hub iyo rassaas.

Midowga Yurub waxa uu  ballan qaaday inuu sii xoojin doono taageerada Soomaaliya la siiyo si looga qeyb qaato xasiloonida iyo amniga guud ahaan Soomaaliya.

Waxaa la qorsheynaya in ciidanka Soomaaliya ay dhawaan kala wareegaan ciidamad ATMIS mas’uuliyadda amniga dalka, iyada oo ay lacagtii Midowga Yuub ku bixin jiray ciidamada nabad ilaalinta Afrika ay meesha ka bixi doonto.

Sannadkii lasoo dhaafay kaliya waxa uu Midowga Yurub ku taageertay ATMIS lacag gaareeysa 120 Milyan oo Euro oo ah lacag aad uga badan lacagta ay hadda ku taageereen ciidanka xoogga dalka balse waxaa is waydiin mudan lacagahaas maloo wareejin doona taageeridda Ciidanka xoogga bixitaanka ATMIS kadib?

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamad Nuur oo bartiisa X soo dhigay qoraal ayaa ka mahadceliyey taageerada Midowga Yurub, isaga oo ku tilmaamay go’aan tariikhi ah.

Wasiirka ayaa sheegay in deeqdaan la gaarsiin doono ciidanka lagu taba barayo Dugsiga tababarka ee Jeneraal Dhaga Badan ee Magaalada Muqdisho.

Howlgalka Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyo kala duwan, sida amniga, kaabyaasha dhaqaalah iyo geedi socodka dowladnimada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here