Wednesday, June 11, 2025

in ka badan 35,000 Arday Oo U Fadhiistay Imtixaanka Fasalka 8aad ee DDS

Jigjiga, Itoobiya – Maanta waxaa si rasmi ah uga bilaawday Dowlad Deegaanka Soomaalida(DDS) Imtixaanka Fasalka 8aad ee shaadiga ah, iyadoo in ka badan 35,000 oo arday ay u fadhiisteen imtixaankan.

 Sida ay sheegtay DDS imtixaankaan ayaa ka dhici doona 112 xarumood oo ka tirsan degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDS.

Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Xuseen Xaashi Qaasim (Ph.D), ahna ku-sii-simaha Madaxweynaha DDS, iyo Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDS, Maxamed Sheekh Aadan, ayaa si rasmi ah u furay imtixaanka, iyagoo ku booriyay ardayda inay ka faa’iidaystaan fursaddan si ay uga mid noqdaan jiilka waxbartay ee mustaqbalka hoggaamin doona bulshada.

Dowlad Deegaanka ayaa sheegatay in ay sameeyay qorshayaal adag oo looga hortagayo qishka iyo musuqmaasuqa imtixaanka 2017 ee tirsiga Itoobiya,iyadoo la rajeynayo in la soo saaro ardayda leh aqoon iyo xirfado wanaagsan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here