Saturday, July 27, 2024

Xukunka mas’uuliyiin lagu soo eedeeyay in ay la shaqeynayeen A S

Muqdisho (Dawan)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun kala duwan kasoo saartay 11 qof oo ka mid ah shaqaalaha Gobolka Banaadir kuwaas oo lagu soo eedeyay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al-shabaab.

Sida ay sheegtay xeer ilaalinta, shaqsiyaadkaan oo ka kooban 8 rag ah iyo saddex dumar ah ayaa lagu soo eedeeyay in ay ka tirsanaayeen shabakad kooxda Al-Shabaab u qaabilsanayd dhanka basaasnimada iyo xogta goobaha lala beegsado qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Xukunka lagu riday eedeysanayaalka ayaa u dhacay sida soo socota.

 1- Cabdiraxiin Maxamed Cusmaan Jimcaale (Macruuf) oo lagu eedeeyay in Kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa gudbita Macluumaadka iyo Xogaha Xubnaha ka shaqeeya Degmooyinka kala ah, Dayniile, Yaaqshiid, Hilwaa, Hodan, Howl-wadaag ayaa lagu xukumay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah

2- Shariif Nuur Cali Aadan Ayaanle (Shariif Owliyoo) oo ahaa gudoomiyaha waaxda October ee Dagmada Hodan ayaa loo soo xiray u gudbinta Shabaab Macluumaadka iyo Xogaha Xubnaha Dowladda ee ka shaqeeya Degmada Hodan, waxaana lagu riday xukun madaxkamadeed oo gaaraya 8 sano oo xabsi Ciidan ah.

3- Jabriil Cabdullahi Cali Cadoow (Sheekha) ayaa lagu helay dambi ah inuu Al-shabaab u qaabilsaana Faafinta Fikirada kooxda , waxayna xeer ilaalintu sheegtay inuu tababar ciidan uu kusoo qaatay Saakow.

Eedeynta kale ee loo jeediyay Jibriil ayaa ah inuu Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka basaasnimada, waxaana lagu xakumay 8 Sano oo Xabsi Ciidan ah

4- Cabdi Cali Cibaar Wardheere (Tabliiq) ayaa lagu eedeeyay inuu Al-shabaab u qaabilsanaa soo gudbinta Macluumaadka Deegaanka Daarusalaam iyo Carafaad, isagoo u gudbin jiray Xogta Qaraxyada ka dhaca Goobahaas. Waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay 5 Sano oo Xabsi Ciidan ah.

5- Canab Xuseen Cumar Fiidow ayaa Cabdiraxiin (oo ah eedeysanaha koowaad) ugudbin jirtay xogta Degmada Hodon iyo Xarunta Xisbiga, sidoo kalana ay  ka taageri jirtay Alshabaab baraha bulshada gaar ahaan Fecbook.

Canab ayaa lagu xakumay Hal sano oo Xabsi ciidan ah.

4 ka mid ah eedeysanayaalka ayay Maxkamadda ku xukuntay 3 sano oo xabsi il-kuhayn ah, waxeyna kala yihiin:

6- Cawil Jaamac Cabdulle Xiireey.

7- Raxma Cabdishakuur Cali Muumin(Sandheere)

8- Maxamuud Axmed Siyaad Barre(Muruq)

9-Sharma’arke Muuse Ismaaciil Caraale

Maxkamadda ayaa wax dembi ah ku weyday Asiili Maxamed Dhicisow Faarax iyo Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kacaan) waxeyna amartay in dib loo siiyo xorriyadooda

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here