Thursday, August 7, 2025

7 Tahriibayaal Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay doon ay saarnaayeen oo ku sii jeeday Yemen

Sanca (Dawan ) – Toddoba muhaajiriin Itoobiyaan ah ayaa u geeriyooday gaajo iyo haraad, kadib markii doon ay la socdeen ay cilad ku timid xilli ay ka soo baxayeen magaalada Boosaaso ee Soomaaliya kuna sii jeedeen dalka Yemen, sida uu xaqiisay  Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) Arbacadii.

Qoraal ay IOM soo saartay ayaa lagu sheegay in kooxaha gurmadka ee hay’adda ay siiyeen gargaar badbaado dadkii ka badbaaday safarkaan oo socday toddoba maalmood kaas oo doontaas ay ku soo gaartay aagga Arqah ee koonfurta Yemen Talaadadii.

IOM waxay sheegtay in dontaasi siday 250 muhaajiriin Itoobiyaan ah, oo ay ku jireen 82 carruur ah. Inta aysan gaarin xeebta Yemen, toddoba ka mid ah muhaajiriintaasi ayaa geeriyooday gaajo iyo haraad darteed.

Wuxuu sidoo kale laga  in musiibooyinkan ay sii socon doonaan maadaama ay jiraan muhaajiriin nugul oo sii maraya Jidka Bari (Eastern Route), oo a waddo halis badan oo ay isticmaalaan dadka ka socda Geeska Afrika si ay ugu gudbaan dalalka Khaliijka iyagoo maraya Yemen.

IOM waxay sheegtay in tan iyo bilowgii sannadkan 2025, ay diiwaangelisay in ka badan 350 dhimasho iyo dad la la’yahay oo la xiriira socdaalka khatarta badan ee jidka Bari.

Hay’addu waxay sheegtay in tirada dhabta ah ay ka badan karto intaa, maadaama meelaha qaar aan si sahal ah loo ogaan karin khasaaraha.

Jidka Bari wuxuu ka mid yahay marin-muhiimeedyada socdaalka ee ugu mashquulka badan uguna halista badan caalamka.

 Boqolaal muhaajiriin ah oo u badan Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sannad kasta isku dayo khatar ku ah noloshooda si ay u gaaraan dalalka Khaliijka oo ay rajaynayaan nolol dhaanta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here