Sunday, May 19, 2024

M/W Xasan iyo Amiirka Qatar oo kawada hadalay xaaladda Gobolka

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar, Tamiim Bin Xamad ayaa khadka telefoonka uga wada hadlay xaaladda gobolka iyo arrimaha hortabinta u leh Labada dal, sida ay xaqiijiyeen labada Madaxtooyo.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri, ” Labada hoggaamiye ayaa dul-istaagay xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo, si loo xoojiyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar”.

Amiirka Qatar, Tamiim ayaa ah hoggaamiyihi labaad ee Carbeed kaas oo Madaxweyne Xasan kala hadla arrimaha Gobolka kadib xiisadda soo cusboonaatay ee Badda

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale arrintaan kala hadlay Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi, iyada oo ay Masar caddeysay mowqifkeeda ku aadan xasiloonida iyo amniga Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay in Dowladda Masar ay garab taagantahay Soomaaliya si ay u ilaashato qaranimadeeda.

Dhaqdhaqaan diblomaasiyadeed ayaa kusoo aadaya kadib markii ay Xukuumadda Soomaaliya ka codsatay Ururada caalamiga ah iyo Dowladaha daneeya xasiloonida Gobolka in ay garab istaagaan  xaqa Dowladda Soomaaliya  ee ilaalinta  midnimadeeda dhuleed kuna cadaadiyaan Itoobiya in ay kusoo noqoto xeyndaabka shuruucda caalamiga ah.

Dowladda Itoobiya iyo Somaliland ayaa kala saxiixday 1-dii January heshiis is af-grad oo Itoobiya u ogolaanaya in ay Badda Cas ee Soomaaliya u adeegsan karto qaab ganacsi iyo saldhig ciidan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here