Thursday, September 19, 2024

Ciidamada Jabuuti oo billaabay inay ka baxaan Soomaaliya

Jabuuti (Dawan)- Qaybtii ugu horeysay ciidamada Jabuuti ee ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya (ATMIS) ayaa dib ugu noqday dalkooda, waxaana soo dhaweyn u sameeyay mas’uuliyiinta ciidamada ee uu ka mid yahay Taliyaha Ciidamada, Jeneral Sakariye Sheekh Ibraahim

Tirada ciidamada Jabuuti ee soo gabagabeeyay howlgalkii ay u joogeen Soomaaliya ayaa lagu sheegay 120 Askari, waana tillaabo lagu dhaqan gelinayo heshiiskii bixitaanka ee ATMIS.

Dowladda Jabuuti ayaa ahayd Dowladdii seddexaad ee kusoo biirtay howlgalka Midowga Afrika ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya bishii December 2011, waxa ayna soo dirtay askar gaareysay xilligaas 960 kuwaas oo qeyb wayn ka qaatay soo celinta iyo nabadda Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Jabuuti ayaa saldhigyo ka samaystay magaalooyinka Beledweyne, Buula-burte iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan , waxayna ka garab dagaalameen Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, si Gobolka looga saaro Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirtay Dowladdda sannadihii lasoo dhaafay.

Sida ay dhowr jeer sheegeen mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan, ciidamada Jabuuti ayaa inta badan taageero u fidiya dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Beledweyne, iyaga oo gacan ka geystay abaabulka iyo daad gureynta dadka xilliyada roobabka oo Wabigu sameeyo fatahaado.

Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in ay Soomaaliya ka baxaan dhammaadka sannadka 2024-ka, iyaga oo billaabay in ay mas’uuliyadda amniga ku wareejiyaan Ciidamada Amniga Soomaaliya sida Xarumaha Madaxtooyada iyo Saldhigyo kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here