Tuesday, December 3, 2024

Dibadbaxyada Kenya oo laba kacleeyay kana horymid baaqii Ruto

Nairobi (Dawan)- Dibadbaxyada looga soo horjeedo canshuur kordhinta ay sameysay Xukuumaadda Kenya oo billowday bartamihii bishii hore, ayna ku dhinteen tobaneeyo qof, boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen, ayaa maanta oo Talaado ah dib uga soo cusboonaaday caasimadda Kenya.

Ciidamada Boliiska ka hortaga rabshadaha ayaa tan iyo saakay lagu daad gureeynay waddooyinka waaweyn ee Nairobi ka dib markii ay dibadbaxayaashu ku baaqeen isku soo bax horleh.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Kenya ayaa sheegtay in 39 qof la dilay iyada oo dhaawac uu soo gaaray 361 qof tan iyo markii ay billoowdeen banaanbaxyada looga soo horjeedo sharciga canshuur kordhinta.

Inkasta oo Madaxweyne William Ruto uu diiday inuu saxiixo sharciga cusub sidoo kalena la magacaabay guddi qaabilsan qiimeynta iyo wax ka qabashada cabashada muwaadiniinta, hadana dibadbaxayaasha ayaa sii wada mudaaharaadyada, iyada oo ay kusoo biireen magaalooyin kale.

Kooxaha hoggaamiya mudaaharaadyada ayaa ku gacan seyray wadahadalka uu Madaxweynuhu ku baaqay, waxeyna dalabanayaan inuu is casilo kadib markii Boliisku xabbado nool nool u adeegsaday kala ceyrinta dadweynaha, taas oo keentay in dhintaan dad tira badan.

Ruto ayaa la doortay Agoosto 2022, kadib markii uu ballanqaaday inuu difaaci doono muwaadiniinta nolosha hoose, wuxuuna tan iyo xilligaas qaaday dhowr tillaabo oo lagu kordhiyay casnhuurta taas oo wiiqday awoodda wax iibsiga ee dadka Kenya.

Kooxaha ka soo horjeeda canshuur kordhinta xukuumadda, waxaa ka mid ah bangiyada, warshadaha iyo ururka sharci-yaqaanada Kenya, kuwaas oo sheegay in canashuurta cuusb ay curyaamin doonto dhaqaalaha dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here