Thursday, September 19, 2024

Muqdisho oo yeelanaysa biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliya ayaa Golaha Wasiirada horgeysay qorshaha la doonayo in Muqdisho looga hirgeliyo biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha.

Qorshahan ayaa ka mid ah ajendaha xukuumadda ee lagu hormarinayo magaalooyinka waaweyn sidoo kalena wax looga qabanayo biyaha fariista waddooyinka caasimadda xilliyada roobabaka kuwaas oo gaysata waxyeello isagu jira mid nololeed iyo mid hantiyadeed.

Inta badan, waxaa dib u dhis lagu sameeyay waddooyinka waaweyn ee dhex mara magaalada Muqdisho, iyada oo sidoo kale la dhisay waddooyin horleh balse looma sameynin biyo mareenno, taas oo keentay in burbur soo gaaro qaar ka mid ah waddooyinka, biyuhuna fariistaan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa booyado uga qaada biyaha fariista waddooyinya, iyada oo goobaha qaar ay biyuhu ku jiraan muddo, taas oo ay ka dhalato caafimad darro iyo arrimo kale oo dhibaato ku ah dadka iyo noolaha.

Dadwaynaha Muqdisho ayaa sannad kasta cabasho ka muujiya biya fariisadka waddooyinka, waxaana la filaya in qorshaha cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud uu wax ka qaban doono arrintaas haddii lagu guuleysto in la hirgeliyo.

Qorshaha Wasaaradda waxaa ka mid ah horumarinta iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha dalka, iyada oo waddooyin laga dhisayo magaalooyinka Garowe, Baydhabo, Kismaayo, Beledweyne iyo  Dhuusamareeb.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here