Saturday, July 27, 2024

Roobab hoos u dhigay kuleylki darnaa oo ka da’ay qaar ka mid ah gobolada Jabuuti

Jabuuti (Dawan)- Roobab xanfar iyo dabeylo wato  ayaa  maalmihii lasoo dhafaay si is-daba jog ah uga da’ay caasimadda iyo qaar ka mid ah  gobolada dalka Jabuuti.

Roobabkaan ayaa biyo fadhiisi ka sameeyay qaar ka mid waddooyinka laf-dhabarka u ah caasimadda, waxeyna saameyn ku yeesheen isku socodka gaadiidka iyo dadweynha

Ciidamada dab-demiska iyo laanta qaabilsan furista goobaha biya mareenada ayaa dadaal xoogaan ugu jira sidii biyaha looga saari lahaa waddooyionka iyo goobaha ay fadhiisteen.

Roobabka ayaa sidoo kale ka da’ay gobolada Koonfurta iyo Waqooyiga dalka jabuuti, waxeyna hoos u dhigeen kuleylkii ka jiray dalkaas oo bilihi ugu danbeeyay lagu qiyaasay kuleylkii ugu darnaa ee dalka soo mara.

Daadadka ka dhashay roobka ayaa  sameeyn xoogan ku yeeshay beeraleyda, iyagoo khasaaaro u geystay dalaggii dhawaan la beeray.

Mas’uuliyiinta qaabilsan waddooyinka iyo gaadiidka ayaa ku wargeliyay gaadiidleyda inay taxaddir muujiyaan marka ay marayaan waddooyinka ay biyuhu fadhiisteen oo laga yaabo inay khatar kala kulmaan

Roobabka ka billaawday qaar ka mid ah gobolada ayaa wax ka beddelay jawiga guud ee Jabuuti oo bilihii lasoo dhaafay ahaa mid aad u kulul.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here