Thursday, September 19, 2024

9 askari oo lagu dilay xero qaxooti oo oo ku taal Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Kooxo hubeysan ayaa weerar kusoo qaaday Arbacadii xero qaxooti oo ku taal gobolka Amxaarada ee Itoobiya, waxeyna dileen sagaal askari, iyaga oo sidoo kale dhaawacay afar kale.

Kooxdaan oo aan haybtooda la garaneyn ayaa la sheegay in ay qafaasheen askartii kale ee ku sugneed xerada , iyaga oo u kaxeystay meel aan la aqoon.

Tan iyo 10-kii bishii June ee 2023, xerada qaxootiga Comer ayaa la kulantay dhowr weerar iyo xagudubyo ka dhan ah qaxootiga Suudaan ee ku sigan xeradaas kuwaas oo ka dalbaday dhammaan hay’adaha samafalka inay wax ka qabtaan xaaladooda bini’aadantinimo.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa ku qiyaastay 27,000 oo Qaxooti Suudaani ah inay ku suganyihiin gobolka Amxaarada, iyada oo ay jiraan 20,000 oo kale oo ku ku sugan Benishangul-Gumuz.

Dowladda Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in ay iska indha tirtay sugidda amniga qaxootiga Suudaan ee ku sugan dalkeeda kuwaas oo dhibaato kala kulma kooxaha hubeysan ee soo weerara had iyo jeer.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here