Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo ku celisay diidmadeeda heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland

Muqdisho ( Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay mowqofkeeda diidmada ah ee ku saabsan heshiiskii Badda ee ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland billaawgii sannadkaan.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u diidday waxa loogu yeero “Heshiiska Is-afgaradka” ee ay kala saxiixdeen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Federaalka Itoobiya iyo Maamulka Somaliland oo ah Gobol ka tirsan Soomaaliya 1-dii January, 2024” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wasaaraddu waxa ay ku tilmaamtay heshiiskaas inuu xad gudub cad ku yahay madax-bannaanida, midnimada dhuleed ee Soomaaliya, xeerarka iyo shuruucda adduunka.

“Sida dastuurkeena iyo xeerarka kale ee qaranku dhigayo ma jiro Maamul Goboleed ka tirsan Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto oo awood u leh inay heshiis la galaan dal kale. Sidaas darteed, waxaa meesha ka baxay waxa loogu yeero “heshiis is-afgarad ” ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Maamul Goboleedka Soomaaliya, waxayna Soomaaliya qaadi doontaa tallaabo kasta oo ay uga hortegyso dhaqangelinta heshiiskaas sharci darrada ah” ayay Wasaaraddu ku tiri, war-saxaafadeedkeeda.

Wasaaraaduu waxa ay carrabka ku adkeysay in tallaabada Itoobiya ay halis gelinayso xasilloonida Geeska Afrika oo ah Gobol u halgamaya sidii uu nabad iyo xasillooni ku heli lahaa ka dib tobannaan sano oo colaado daba dheeraaday ay ka jireen.

Wasaaradda ayaa mar kale ku tiri, bayaankeeda ” Soomaaliya waxa ay aaminsantahay in heshiiska is-afgaradka sharci darada ah loo qorsheeyay in lagu wiiqo horumarkeena aan gaarnay dhawaan ee ay dunidu u riyaaqday. Waxaa sii guu leh noogu dhammeeyey geeddi-socodkii dayn cafinta, cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee saarnayd dalka 30-kii sano ee la soo dhaafay iyo ka mid noqoshada ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC)”.

Wasaaraaddu waxa ay xustay in Soomaaliya ay labadii sano ee lasoo dhaafay ka xoreysay kooxda Al-Shabaab dhul baaxad leh, iyada oo wax laga xumaado ku tilmaamtay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland kaas oo sida ay sheegtay Al-Shabaab siinaya fursad dahabi ah oo ay uga faa’ideysan karto xaaladda, isla markaana ay dib uga soo kaban karto khasaarihii gaaray sannadihii u dambeeyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, iyo sidoo kale Qaramada Midoobay inay mawqif adag ka qaataan heshiiskaas sidoo kalena ay cambaareeyaan xadgudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Soomaaliya ay weli ka go’an tahay ilaalinta nabadda Gobolka, xiriirka derisnimo iyo fulinta xeerarka caalamiga ah, balse waxa ay hoosta ka xariiqday in ay ka jawaab ka bixin doonto ficil kasta oo ka hor imaanaya madax-bannaanideeda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here