Thursday, September 19, 2024

Magacyada hoggaamiyayaasha AS ee lagu soo rogay cunaqabataynta

Muqdisho (Dawan)- Guddiga Qaran Ee Ka-hortaga Lacag Dhaqida iyo La-dagaalanka Maalgelinta Argagaxisada ayaa cunaqabatayn maaliyadeed kusoo rogay 8 ka mid ah Hogaamiyaasha ururka Al-Shabaab, iyada oo ay liiska lasoo saaray ku jiraan labada ku xigeen ee Amiirka Al-Shabaab kuwaas oo kala ah AbuuBakar Cali Aadam (Garweyne) iyo Mahad Cabdiraxmaan Waasme ( Karatay).

Garweyne wuxuu kaalin weyn ka qaatay qorsheynta iyo isku dubaridka hawlaha ciidanka ee ururka, halka Karatay uu hoggaamiyo hawlaha amniga, maaliyadda iyo warfaafinta, sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday Guddiga

Maxamed Mire Jaamac oo ah Horjoogaha Wilaayaatka iyo Xasan Yacquub Cali Bari oo ah madaxda Golaha Shuurada ayaa liiska ku jira. Mire waxaa liiska loogu soo daray inuu yahay ninka hoggaamiya horjoogayaasha gobollada iyo shaqooyinka ay qabtaan. Xasan Yacquub-na waxa uu fadhiya Golaha Shuurada ee laga jiheeyo istiraatiijiyadda Ururka.

Yuusuf Axmed Xaaji Nuunow, Cabdikariin Cismaan Jilacow, Nuur Cabdi Rooble iyo Bakar Baashe Aadan Axmed ayaa iyaguna ka mid mas’uuliyiinta Al-shabaab ee lagu soo rogay cunaqabataynta, waxayna kala qaabilsanyihiin dhinacayda Amniyaatka, Jabhadaha iyo Sakawaatka.

Sida lagu xusay warbixinta kasoo baxday Guddiga Qaran Ee Ka-hortaga Lacag Dhaqida & La-dagaalanka Maalgelinta Argagaxisada, waxaa u furin qofkii aan ku qanacsanayn arrintaan inuu dacwad u gudbiyo guddiga, iyada oo laga rabo inuu keeno cadaymo maangal ah, oo muujinaya inuusan ku lug lahayn maalgelin argagaxiso.

Sidoo kale, haddii uu ku qanci waayo jawaabaha guddiga, waxaa dhibanaha u furan in uu u dacwoodo maxkamada sare ee dalka, si waafaqsan sharciga cunanqabateynta maaliyadeed ee cayiman soona baxay 2023.

Guddiga ayaa faray hay’adaha maaliyeed inay joojiyaan la macaamiilka shaqsiyaadka ku jira liiskan iyada oo ay waajib ku tahay inay xayiraad ku sameeyaan hanti kasta oo ay leeyihiin shaqsiyaadkan.

Hay’adaha maaliyaadeed waxaa sidoo kale laga rabaa inay soo gudbiyaan dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee siddeeda qof ee lagu soo rogay cunaqabataynta.

 Amiirka Al-shabaab ,Axmed Diiriye oo ku magac dheer Abuu Cubeyda ayaan ku jirin shakhsiyaadka lagu soo rogay cunaqabataynta, inkasta oo Mareykanku dul dhigay madaxiisa maalaayiin dollarm kuna daray liiska argagixisada caalamiga ah sannadkii 2015.

Maraykanka ayaa hore u ballan qaaday inuu abaal marin lacageed oo gaaeysa 10 malyan siin doono cidii macluumad ka keenta hoggaamiyaasha Al-shabaab ee kala ah Axmed Diiriye, Mahad Karataay iyo Jihaad Mustafa.

Bishii April 2010, guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan cuna qabateynta Soomaaliya ayaa Al-Shabaab kusoo rogay cuna  qabateyn.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here