Wednesday, November 27, 2024

Wareysi: Cutubyada Dastuurka ee la meel-mariyey ma hirgelayaan?

 Muqdisho (Dawan)- Dib u doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud kadib dowoladdu waxay xoogga saartay laba arrin marka laga soo tago dagaalka Al-Shabaab. Dhamastirka Dastuurka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa waxa ay ahaayeen arrimihii ugu xooga badnaa ee ay dowladdu gelisay dadaal badan labadii sano ee lasoo dhaafay.

Dastuurka waxaa la dhamastiray afarta cutub ee ugu horeysa, inkasta oo ay Puntlnad iyo qaar ka mid ah siyaasiyiintu ka biya diideen. Dhanka musuqmaasuqa waxaa maxkamad lasoo taagy saraakiil dowladeed oo lagu eedeeyay kiisas la xiriira lacag dhunsasho, been abuur dukumenti iyo ka faa’iideysiga awood xileed inkasta oo wax dembi ah lagu waayay intii ugu badneed.

Barnaamijka Ogaal iyo Aragti, waxaan ku marti qaadnay, Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud si ay shacabku wax badan oga ogaadaan siyaasadda dowladda ee la xiriirta dhamaystirka Dastuurka iyo dib u habeynta hay’adaha Garsoorka.

Wareysigan oo dheer, waxaan u kala qaadnay laba qayb; Qaybta koowaad waxaan ku qaada dhignay dib u habaynta Hay’adaha Garsoorka, madax bannaanidiisa, dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo arrimo kale oo xiriir la leh Garsoorka.

Qaybtaan labaad, waxaan iyadana ku eegaynaa hannaanka loo maray dhamaystirka Dastuurka iyo falcelinta ka dhalatay.

Afarta cusub ee dastuurka la meelmariyey wax walaac ah maka qabtaa ?

Aad iyo aad aya ugu qanacsanahay aad iyo aad ayaana raali ugu ahay, ajanda dowladeed ama qorsho dowladeed oo dowladan (mandate) wixii loo wakiishay ka mid ahaa oo hirgalay waaye. Marka horayna ay u dhaaratay inay hirgeliso.

Sababta dasturka loo dhameystirayey waxey ahayd horta heshiiski dadweynaha iyo dowlada ka dhexeeyay inuu dhameystirmo. Inuu dhameystirmo, qabyadana ka baxo, waxyaabaha ku xiran waxa ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed inay doorasho u dareeran. Waxaa ku xiran Dasturka inuu dhameystirmo iyo cutubyada aad sheegtay oo Baarlamanku ansixiyay madaxweynuhuna uu soo saaray, waxaa ku xiran dadweynaha Soomaaliyeed oo muwadinka dowladnimada iska leh ah waa inay doorasho u dareeraan. Yay dooranayaan? Waxey doranayaan cidda iyaga xukunta oo u talineysa iyagu inay soo doortaan. waa meshaas mesha ay ugu baxayan awood darradii oo awoodoodi ayaa usoo laabaneysa.

Waxaad tiri dad badan ayaa diidan. Anigu waxaan haya dad badan inay taageersanyihiin laakin waxaa jirta inyar oo buuq badan oo cod dheer, markaas taasu waa inaysan naga mashquulinin. Dadwaynaha badankiisu waa qanacsanyihiin, waxeyna u arkaan meeshi ay dowladnimada ku lahaan lahaayeen kulana xisaabtami lahaayee.

Diidmada Puntland ee afarta cutub ee dastuurka

Puntland waxey ka ka mid ahayd geesi socodka dhowr iyo tobanka sano socda oo dasturkan lagu qabyo tirayo, hadana waxaa la dhamestirayo oo Baarlamanka loo geeyay oo la meelmariyay waa geedi socodkii oo marxaladahiisa ugu danbeysa maraya. Marka waxanan la celin karin hannaanka bollowday 12ka sano ka hor. Marka uu gabagabadiisa joogo qof xaq u yeelanya kaligiis ma jiro haddan saan la iyeelin wa lagu kala tagaya. maya laguma kala tagayo, waa la kala ra’yi duwaanaada Soomaaliyana way soconeysaa. Dastuurka waa soconaya.

Puntland horta waa dhul Soomaliyed waxaa deggana wa dadweyne Soomaliyeed. Dadkaasna waxaa waaye muwaadaniin Soomaliyeed. Dowladnimada Soomaaliyeed inay ka dhaxeysana wa ogyihiin. Daasturka marka geedi socodkiisa dhameystirka u bahan yahay, aniga ha la ii xiro qof yiraahdo ma ahan Puntland.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ah 275 iyo Aqalka Sare, dad metela Soomaaliya oo dhan ayaa ku jira oo ay ka mid tahay Puntland, sidaad aragtay ayaana lagu ansixyay.

Dastuurkaan ma waxa uu ka hirgeliya Koonfurta Gaalgacyo wixii kasoo billowda?

Maya. Soomaaliya ayuu ka hirgelayaa!

Afarta cutub ee hada la ansixiyey ma shaqaynaayaan?

Afarta cutub ee hadda Baarlamanku meel-mariyay xeerar ba ka dhalan doona. Sharuucdii doorashooyinka  ka dhalaneysa, xisbiyadi ayaa ka dhalaneysa Guddiyo ayaa ka dhalanaya. Waxaas ayaa hadda la keenaya Golaha wasiirada iyo Golayaasha sharci dejinta.

Afarta cutub ee la ansixiyay waxey dalbanayan oo donayan in lasoo dhiso Guddigii doorashooyinka oo Dastuurka ku cad.

Ma dhaqan geleysaa in Madaxweynayaasha D/Goboleeyada loogu yeero hoggaamiyaa?

Wixii Dastuurka looga soo heshiiyay ee lasoo saaray oo dhan waa la dhaqan gelinayaa. Eray bixinta Madaxweynayaal iyo hoggaamiyayaaal waxba isma dheera. Waxa is dheer waxaa waaye waajibaadka iyo awoodaha xilalka ay leeyihiin

Dhib cusub maka dhalan karaa hannaanka loo maray ansixinta qodobada Dastuurka?

Maya. Xukuumadu sideeda sharciyad ay leedahay, qof kasto wax iskama wadi karo. Xukuumaddu sharciyad ay wax ku waddo ayay leedahay ee wax iskama samaynayso. Xukuumaddu waxay fulineysa wixii loo soo doortay ee Dastuurka ku yaal.

Ajandaha lagu soo doortay ayay fulineysaa. Marka lagu doorto waxaad fulineysa ballan qaadi aad hore u gashay ee wax aad jeebkaaga kala timid ma ahan. Tusaasle; dastuurka ayaa ka mid ahaa wixii la ballan qaaday in la dhamaystiro xilligii doorasahda.

Puntland maxaa kaaga qorshaysan ?

Puntland in loogu yeero geedi socodki oo ay ku so laabtan. Waxaa nooga qorsheysan wadashaqeynti inay ku soo laabtaan. Waxaa noofuran wada xaajoodki inay ku soo labtaan wixii ay qaban oo ra’yi ah ama talo ah ee ku duwan yihin inay miiska soo saaraan. qorshayaashaas ayaa noogu qorsheysan.

Halkaasn hoose ka daawo wareysiga oo dhamaystiran

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here