Saturday, July 27, 2024

Dood Maanfur ah: Sida fikradaha loogu rogo ganacsiyo shaqeeya

Muqdisho (Dawan)- Xarunta Hal-abuurka ee Jaamacadda Benaadir ayaa qabatay dood maanfur ah oo ku saabsan “Sida fikradaha loogu rogo ganacsiyo shaqeeya”

Khubarada ganacsiga iyo ardayda ka faa’iideysaneysa barnaamijka ayaa isdhaafsanaya doodo iyo fikrado badan si looga soo saaro shaqo natiijo leh.

Kooxda ka faa’iideysaneysa barnaamijka ayaa u aragta in ay heleen fursad mar la arag ah waxeyna muujinaayan rajo ah in ay ka mira dhalin karaan fikradaha ku jira maskaxdooda.

Asma Cabdiraxmaan waxa ay hore uga qalin beddelatay Jaamacadda balse nasiib uma yeelan in ay barnaamijyadaan oo kale fursad u hesho xilligii ay ardayga ahayd.
Hadda waxa ay cabbireysaa dareenkeeda iyo waxa ay ku baratay barnaamijka ” Barnaamijka waxa la aas-aasay markaan Jaamacadda dhameeyay kadib, waxaana ka mid ahay dadka ugu horeeyay ee course-ka qaatay… Waxaan ka faa’iiday sidee businnes u abuuri kartaa”

Xirfadaha la barayo ardayda ka qalin jebisay Jaamacadda iyo kuwa weli waxbarashada ku jira ayaa isagu jira Hal-abuurka Ganacsiga, Tiknoolojiyadda iyo xirfadaha la xiriira, iyada oo yoolku yahay in ay la jaan qaadaan dunida casriga ah.

Maxamed Cali Diiriye waxa uu dadka intooda badan kala mid ahaa in maskaxdiisa ay ka guuxayen fikrado badan iyada oo ay ku adkeyd siduu ugu beddeli lahaa ficil.
Kadib ka faa’ideysigiisa barnaamijkaan waxa uu awoodaa inuu ka mira dhaliyo riyadiisa.

” Maanta waxa aaan bartay, awood u yeeshay inaan innovation-ka iga dhax guuxaya inaan u beddeli karo wax real ah oo la taabaan karo”

Barnaamika ay bixiso Xarunta Hal-abuurka Jaamacadda Benaadir oo ka kooban casharro hal-abuurka ganacsiga ku saabsan, tababarro xirfad dhisid ah ayaa lagu soo kordhiyay qeyb khibrad wadaag ah oo lagu martigelinayo dadka sameeyay ganacsiyada guuleystay.

Kooxda loo qabtay barnaamijkaan ayaa nasiib u yeelatay in ay la kulmaan Guddoomiyaha DIGNA Digital, Maxamed Cabdulqaadir oo ka mid ah dadka aaminsan in ardayda iyo dhallinyarada lagu dhiirigeliyo ganacsiga iyo xirfadaha cusub.

“Ardaydu waa ay u baahanyihiin in la guubaabiyo. Ardaydu waxa ay u baahanyihiin in loo sameeyo system. … Waxaan aaminsanahay in barnaamijyada Xaruntaan cusub ay yihiin kuwa faa’iido badan leh dalkana horumar fiican usoo saa’iidi doona”

Guddoomiye Maxamed oo marti ku ah barnaamijka ” Waqti la qaado Guddoomiyaha” waxa uu khibraddiisa la wadaagaya ardayda iyo dhallinyarada ku hamineysa in ay ka mira dhaliyaan arrima badan oo maskaxdooda ku jira, isaga oo aaminsan in ay dhallinyarada Soomaaliyeed la tartami karaan jiilalka asaagooda ah ee dunida wax kusoo kordhiyay.

“Marka adduunka waxa la sameynayo ama lasoo kordhinayo habraac ayay leedahay, marka habraacaas ayaan u jeeda oo waliba casriyeysan. Ardayda ka faa’iideysata barnaamijyadaan waxa ay gaari doonaan in ay la tartamaan dadyowga caalamiga ah marka ay noqoto wax soo saarka iyo qaabka ay fikirayaan”.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here