Friday, October 18, 2024

DDS oo dabooleysa ku dhawaad 50% miisaaniyad sanadeedka Deegaanka

Jigjiga (Dawan)- Golaha Fulinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa meel-mariyay miisaaniyadda sannadkan oo ku dhawaad 50% ay ka imaan doonto dakhliga laga soo aruuriyo Deegaanka.

Miisaaniyadda guud ee Deegaanka Soomaalida ayaa gaareysa lacag dhan 40,686,127,007 (Afartan bilyan, lix boqol sideetan iyo lix milyan, boqol labaatan iyo toddobo kun iyo taddobo birr) waxayna 6% ka badan tahay miisaaniyadii sannadkii hore.

Xafiisyada heer Deegaan waxaa loo qoondeeyay miisaaniyad dhan 23.6 bilyan oo birr, halka miisaaniyadda hiigsiga yoolasha horumarka waara loogu tala galay 1.4 Bilyan oo Birr. Sidoo kale, degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka ayaa loo ansixiyay 15.7 bilyan oo birr.

” Miisaaniyada Deegaanka ayaa 43% noqon doonta mid ka timaada dakhliga uu Deegaanku soo saarto, halka 57% laga heli doono kabka khasnadda dhexe ee Dowladda Fadaraalka iyo deeqda dibadda”, ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska warbaahinta u qaabilsan Dowlad Deegaanka.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in arrinatn ay tilmaamayso in Deegaanku ku talaabsaday guulo waaweyn oo ah dhinaca kor-u-qaadidda dakhliga gudaha ee kasoo xaroonaya dhaqaalaha Deegaanka lixdii sano ee u dambaysay.

Anisixintan ayaa muujineysa in Dowlad Deegaanka Soomaalidu awood u yeeshay inuu daboolo ku dhawaad kala bar miisaaniyadda sannadka, waana qorshe raali gelinaya Xukuumadda Federaalka Itoobiya oo ansixisay bishii Febraayo 2024, siyaasadda Qaran ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka.

Qorshaha Siyaasadda Qaran ee Itoobiya ayaa loga danleeyahay in la xoojiyo isku filnaanshaha gobollada iyada oo awoodda la saarayo wax soo saarka iyo in dhaqaale gaar ah loo qoondeeyo muwaadiniinta si loo daboolo baahidooda xilliyada barakaca ama abaaraha, waxaana la faray Dowlad Goboleedyada inay daboolaan ugu yaraan 70% baahiyaha Bni’aadantinimo ee ka jira deegaanadooda.

Sababta ka dambeysa in Dowaldda Dhexe ay qaadato siyaasaddan qaran ayaa lagu micneeyay hoos u dhac ku yimid kaalmadii ay ka heli jirtay Beesha Caalamka.

Kulanka waxaa sidoo kale lagu ansixiyay qorshaha lagu aas-aasayo ciidan u gaar ah Dowlad Deegaanka Soomaalida kuwaas oo ka shaqadoodu tahay nabadda, xasiloonida iyo ilaalinta nidaamka dastuuriga ah ee Deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here