Thursday, September 19, 2024

Haweenku miyaysan ahayn hal-doorka shacabka Soomaaliyeed?

Muqdisho (Dawan)- Haweenku miyaysan ahayn hal-doorka shacabka Soomaaliyeed?. Waxaa qortay Xildhibaan Maryan Faarah Kaahiye

Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadam  iyo Kursiga ugu sarreeya ee Midowga Africa iyo Xilka Wasiirka Wasaaradda Haweenka!

Xildhibaanada labada Aqal ayaa Fawsiya siiyey awood buuxda oo ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku matasho; labada Gole ayaa Xildhibaan Fawsiya u uruuriyey lacag, laga qaday dhammaan Xildhibaanada Sharafta leh!!

Xildhibaanada Sharafta leh, waxaan weydiiyey aawey awooddii aan Xildhibaan Fawsiya shalay ku ansixinnay si mug iyo miisaan leh oo aan taariikhda loo arag? Aawey awooddii Dastuurku inoo oggolaaday ee ah mid lama taabtaan ah? Aawey sharaftii haybaddii iyo maamuuskii guud ee labada Gole astaanta u ahaa? Aawey awooddi labada Gole ee Gudddoomiye, Madaxweyne, Ra’iisulwasaare iyo Xukuumadiisa ku ansixiyeen?

Xildhibaanada sharafta leh,maanta waxaan taagannahay ISGOYSIKII XAQA IYO BAADILKA lagu kala soocil lahaa, waana waajib ina wadasaaran in aynu awooddeena Dastuuriga ah soo ceshenno.

Kursiga Xildhibaan Fawsiya loo diiday, maxaa lagu baddashay? yaase awood u leh in uu buriyo Go’aanka Labada Aqal?

Dhanka kale, Shalay waxaa Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul- insaanka loo magacaabay Generaal Goobbe! Iyadoo la ogyahay sida looga hiiliyey Xildhibaan Fawsiya iyo diidmada loo diidey Kursiga Midowga Africa,hadda waxaan la yaabanahay oo caddaalad darro ah in Wasiirka Haweenka Soomaaliyeed loo dhiibo General loo adeegsan karo CIIDANKA XOOGGA DALKA.

Aawey Xuquuqdii Haweenka Soomaaliyeed oo laf-dhabarka u ah jiritaanka Dowladnimada?

Haweenka Soomaaliyeed maanta waxay mudan yihiin in loo dhiibo Xilka Wasiirka Haweenka, maaddaama shaqadu tahay Daryeelka Haweenka, Carruurta iyo Xuquuqdooda!

In Wasaaradda Haweenka hadda loo magacaabo qof aan aqoon, dareen iyo waayo aragnimo midna u lahayn, waxay tusaale u tahay sida loogu tumanayo xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed.

Waxaan aqaan Haween Soomaaliyeed oo dalka iyo dibedda jooga oo ka haysta PhD arrimaha haweenka, Carruurta iyo xuquuqul Insaanka, maxaa Xilka Wasiirka loogu dhiibiwaayey?

Dowladi waa tan daryeesho shacabkeeda, gaar ahaan Haweenka iyo Carruurta, waana astaamaha lagu faano.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here