Saturday, July 27, 2024

Andry Rajoelina oo loo caleemo saaray madaxweynaha Madagascar markii labaad

Madagascar (Dawan)- Andry Rajoelina oo 49 jir ah ayaa Sabtidii shalay loo caleemo saaray inuu noqdo Madaxweynaha Madagaskar markii labaad, ka dib markii mar kale loo doortay madaxweynaha dalkaas.

Mucaaradka dalkaas ayaa qaadacay doorashada waxeyna ku dhawaaqeen inaysan aqoonsanayn natiijada doorashada.
Sida ay Warbaahinta Caalamiga ah sheegtay waxaa xafladda caleema saarka ee ka dhacday garoonka ugu weyn caasimada Antananarivo isugu yimid dad lagu qiyaasay ilaa 50,000 oo qof.

Madaxweyne Andry Rajoelina ayaa lagu dhaariyay dadka hortooda waxaana loo sameeyay dhoolatus mileteri iyo dabaal deg lagu weyneynaayo guushiisa.

Khudbaddiisa caleema saarka ayuu ku sheegay in maanta, Madagascar uu ka socdo horumar ballaan oo dhinacayda kala duwan ah, sida caafimaadka, dhanka dhismaha iyo horumarinta ganacsiga inkasta uu xusay in 5-tii sano ee lasoo dhaafay ay dalka ka dhaceen dhibaatooyin ay sababeen isbeddelka cimilada.

Wuxuu ballan qaaday in uu dhisi doono qaran xoog badan oo horumarsan, isaga oo si gooni ah u xusay dadka taagta daran .

Mas’uuliyiin ka socday dalalka Afrika ayaa ka soo qeyb galay caleema saarka, waxaana ka mid ahaa Madaxweynaha Comoros, Gazali Assoumani, oo haya xilka madaxtinimo ee Midowga Afrika, iyo João Lourenço, madaxweynaha dowladda Angola, ahna guddoomiyaha hadda ee bulshada horumarinta Koonfurta Afrika.

11 milyan oo qof ayaa xaq u lahaa in ay codbixiyaan doorashadii dalkaas ka dhacday 16-kii November, inkasta oo toddobaadyadii ka horreeyay doorashada ay qabsadeen waddooyinka Antananarivo bannaanbaxyo ay soo qabanqaabiyeen mucaaradka kuwaas oo loogu baaqayay dadweynaha in aysan codeynin iyaga oo madadweynaha ku eedeeyay inuusan qaban doonin doorasho xalaal ah.

Heerka ka-qaybgalku wuxuu ahaa qiyaastii 46 %, taas oo ka hoosaysa doorashooyinkii hore ee 2018.

Bishii June, Saxaafaddu waxay daaha ka qaaday in Madaxweynaha Madagaskar, Andry Rajoelina uu si qarsoodi ah u qaatay dhalashada Faransiiska 2014.

Mucaaradka ayaa u arkayay in taasi ay ka hor imaaneyso dastuurka dalka isaga oo aan xaq u lahayn in uu iso soo sharaxo madaxweynha dalkaas.

Maxkamdda sare ee Madagaskar ayaa diiday dacwad ay mucaaradku ku doonayeen in loo diido inuu u trtamo xilka madaxtinimada

Rajoelina (49 sano jir) ayaa markii ugu horeysay qabtay xilka madaxtinimada sannadkii 2009-kii kadib markii ay kacdoon xilka looga tuuray madaxweynihii xiligaasi Marc Ravalomanana, waxa uu xilka hayay ilaa 2014 ka hor inta aan dib loo dooran sannadka 2018-ka.

Inkasta oo ay Madagascar tahay dal hodon ah oo leh kheyraad dabiici ah hadana waxa ay ka mid tahay dalalka ugu saboolsan dunida iyada oo qiyaastii 75 % dadka dalkaas ay ku nool yihiin meel ka hooseeya heerka saboolnimada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here