Thursday, September 19, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo booqanaya Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa lagu wadaa inuu boqasho ku tago maanta oo Sabti ah dalka Itoobiya, si uu kulamo ula yeesho Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Taye Atske-Selassie.

Wararka laga helayo dhanka Turkiga ayaa tilmaamaya in ujeedada booqashadu ay la xiriirto xal u helidda khilaafaadka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Turkiga ayaa bishii hore marti geliyay wadahadal u dhexeeyay labada dal inkasta oo aysan kasoo bixin wax natiijo ah, waxaana lagu ballamay in la isagu soo laabato kulan kale.

Xiriirkii u dhexeeyay dowladaha dariska ah ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa xumaaday tan iyo markii Addis Ababa ay heshiis la gashay Somaliland kowdii bishii January ee sannadkan si ay Itoobiya u hesho bad ay u adeegsato ganacsi iyo saldhig ciidan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hortimid heshiiska waxayna ku tilmaamtay tillaabo xad gudub ku ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Itoobiya waxay lumisay dekedihii ay ku lahayd badda cas horraantii sagaashameeyadii ka dib dagaalkii xornimada Eretria ee dhamaaday sannadkii 1991.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Turkiga iyo Itoobiya ayaa soo billowday xilli hore, iyada oo safaaradda Turkiga laga furay Addis Ababa 1926, halka safaaradda Itoobiya laga furay Ankara 1933.

Xiriirka Turkiga iyo Itoobiya ayaa sii xoogeysanayay waayadii ugu dambeysay, waxeyna madaxda labada dal is dhaafsadaan booqashooyin joogta ah.

Is waydaarsiga ganacsi ee u dhexeeya labada dal ayaa ahaa sannadkii 2000 ku dhawaad $27 milyan balse hadda waxa uu ku dhawyahay ilaa $345 milyan, iyadoo la hiigsanayo in la gaarsiiyo $1 bilyan shanta sano ee soo socota.

Turkiga waxa uu ka mid yahay afarta waddan ee ugu horreeya dhinaca maalgashiga tooska ah ee Itoobiya. 70 shirkadood oo Itoobiyaan ah iyo 250 shirkadood oo Turki ah ayaa ka qayb-galay shirkii ganacsiga Turkiga iyo Itoobiya ee lagu qabtay Istanbul bishii May 2024

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here