Saturday, July 27, 2024

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Itoobiya oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Itooniya, Dekeme Mekonnen Hassan iyo wafdi uu hoggaaminayaao ayaa maanta booqasho rasmi ah kusoo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana Garoonka diyaardaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay dhiggiisa Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac .

“Wafdiga ka socda dalka Itoobiya ayaa u yimid caasimadda Muqdisho sidii ay wada hadallo ku dhisan danaha labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashi dhinacyada kala duwan ee u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya” ayaa lagu soo qoray barta Facebook ee Xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada Ganacsiga, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Waxbarashada, Amniga iyo la dagaallanka kooxda Al-shabaab.

Dhanka kale. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in wafdi heer sare uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, gaaray magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya si uu uga qeyb galo shirkii ugu horeeyay ee Guddiga wada jirka heer Wasiireed ee Itoobiya iyo Soomaaliya

Itoobiya ayaa ka caawisa Soomaaliya dhinacya badan gaar ahaan amniga iyo la dagaalanka xoogag Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here