Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Mali

Maali ayaa Axaddii ku dhawaaqday inay jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Ukraine, iyadoo arrintaas loo aaneynayo kadib markii uu qiray sarkaal sare oo Ukraine ah in dalkiisa uu ku lug lahaa dagaal sababay dhimashada askar Mali iyo dagaalyahanno ka tirsan shirkadda Wagner Group ee laga leeyahay Ruushka.

Xukuumadda Mali ayaa sheegtay in tillaabooyinka ay qaadeen mas’uuliyiinta Ukraine ay dhigantahay xad-gudb ka dhan ah madax-bannaanida Mali iyo faragelin shisheeye oo gardarro ah.

Arrintan ayaa timid, iyada oo lagu wado in wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine uu booqasho ku tego todobadkan dalalka Malawi, Zambia iyo Mauritius.

Turkey / Masar

Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-siisi, ayaa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan magaalada Alexandria ee waqooyiga dalkaas.

Labada dhinac ayaa dib u eegis ku sameeyay heshiisyo ay horay u wada galeeen labada dal, waxeyna sidoo kale kawada hadleen dagaalka ka socda Bariga Dhexe iyo sidii looga hortegi lahaa inuu sii ballaarto.

Bangladesh

Mudaaharaadyada ay wadeen ardayda doonaya inay iscasisho xukuumadda ay hoggaamiso Ra’iisul Wasaare Sheikh Xasina ayaa sii kordhaya iyadoo ugu yaraan 93 ay ku dhinteen mudaaharaadyo dib uga soo cusboonaaday Bangladesh.

Xukuumadda ayaa soo rogtay bandow aan la xadidin xilliga uu ku egyahay, waxayna ku dhawaaqday 3-maalmood oo fasaxyo dadweyne, si loo xakameeyo bannaanbaxyada ka socda dalkaas tan iyo horraantii bishii July.

Ardaydu waxay ugu baaqeen in dadwaynaha kale kusoo biiro isku soo baxyada si xukuumadda loo saaro cadaadis

Pakistan

Ra’sul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan ayaa dhamaystay hal sano oo xarig ah, iyada oo Xisbigiisu qorsheeyay mudaaharaadyo lagu dalbanayo in xabsiga laga sii daayo.

Khan ayaa sugaya in lagu sii daayo dammaanad kadib markii ay maxkamddu laashay saddex dacwo oo loo haystay.

Sacuudi

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa shir aan caadi ahayn oo heer wasiir ah ku yeelan doona Arbacada soo socota magaalada Jeddah ee Sacuudi Carabiya. Shirka ayaa looga hadi doona dhowr qodob oo ay ugu muhiimsanyihiin; xadgudubyada Israel ee Gaza iyo dilkii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Falastiin loogu gaystay magaalada Tehran ee dalka Iran.

Bariga Dhexe

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken uu ku wargeliyay todobada dal ee loo yaqaaano (G7) in Iran iyo Xisbullaahi ay weerari donaan Israel 48 saacadood gudahood.

Blinken ayaa ugu baaqay wasiirada arrimaha dibadda ee G7 inay cadaadis diblumaasiyadeed ku saaraan Iran, inaysan weerarin Israel, isaga oo xusay inay gobolka geeyaan ciidamo dheeraad ah si loo difaaco Israel.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 304-aad, waxaana ku dhintay in ka badan 39,583 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray 91,398 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 604 qof oo ay ku jiraan 142 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 840 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here