Monday, July 15, 2024

Dad lagu eedeeyay weerarkii Hotelka SYL oo lasoo xiray

Muqdisho (Dawan)- War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Hay’adaha ammaanku ay gacanta kusoo dhigeen 16 qof oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen fududeynta weerarkii lagu qaaday Hotel SYL 14-kii bishaan March.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa ku guulaysatay in ay soo qabato Cabdinaasir Daahir Nuur oo ahaa shaqsigii suurta-galiyay in magaalada ay soo galaan gawaarida falka argagixiso lagu gaystay” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeedka Wasaaradda.

Wasaaradda ayaa intaas raacisay in sidoo kale dadka la qabtay ay ka mid yihiin Afar eedeysane oo ku diiwaan gashan milkiyadda labada gaari ee loo adeegsaday weerarkii Hotelka SYL.

Shan xubnood oo ka tirsan ciidanka amaanka kuwaas oo ku shaqada lahaa baraha baarista ayaa lagu wadaa baaritaano, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, oo ballan qaaday in shacabka lala wadaagi doonaa caddaymo dhammaystiran iyo gungaarka hay’adaha baarista.

21 qof oo isagu jira mas’uuliyiin dowladeed iyo dad rayid ah ayaa loo qaaday dalka Turkiga si loogu helo gargaaarka caafimaad ee ku habboon, iyada oo ay 3 qof ku dhinteen weerarka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here