Thursday, September 19, 2024

Fiqi oo Sacuudiga uga qayb gelaya shir looga hadlayo xiisadda Bariga Dhexe

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa u amba baxay magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, si uu uga qeyb galo shirka aan caadiga ahayn oo Ururka Iskaashiga Islaamka, ka yeelanayo berri xiisadda Bariga Dhexe.

Ajandaha shirka ayaa ah sidii looga hortegi lahaa xadgudubyada ay Israel ka geysanayso dhulka reer Falastiin iyo tillaabadii ay ku dishay madaxii siyaasadda ee ururka Xamaas, Ismaaciil Haniyeh xilli uu ku sugnaa magaalada Tehran ee dalka Iran.

Iran ayaa weerarkaas ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah madax bannaanideeda, waxeyna wacad ku martay inay fulin doonto weeraro ay ku aar gudaneyso xilliga ugu habboon.

Mowqifka Soomaaliya ee dilkii Ismaaciil Haniyeh

Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dowladihii sida cad u cambaareeyay dilkii madaxii xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas, Ismaaciil Haniyeh, ee ka dhacay magaalada Tehran ee caasimadda Iran, waxeyna ku tilmaamtay weerarkaas inuu ahaa mid ka baxsan xeerarka caalamiga ah iyo bini’aadantinimada.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka Gaza

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 305-aad, waxaana ku dhintay in ka badan 39,623 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray 91,469 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda ee Falastiin ayaa Isniintii sheegay in Israel ay kusoo wareejisay, in ka badan 80 Mayd kuwaas oo qaarkood go’go’ay qaar kalena ay noqdeen qalfoof.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 609 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 840 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

7 ka mid ah askarta Israel ayaa lagu dhaawacay saacadihii lasoo dhaafay dagaalladii ka dhacay Marinka Gaza, taas oo tirada askarta dhaawacantay ka dhigaysa 4,256 askari, halka dhimashaduna ay gaartay 689 tan iyo markii uu dagaalka bilaabmay.

Israel waxay iska dhigatireysaa dhammaan go’aamadii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ahaa in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka iyo amarkii kasoo baxay Maxkamadda Caalamiga ah ee ahaa inay qaado tillaabooyin lagu badbaadinayo dadka rayidka ah iyada oo la furayo marinada soo gala Gaza si loo gaarsiiyo kaalmo caalami ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here