Thursday, September 19, 2024

Jigjiga oo laga furay xarun lagu dayactiro qalabka caafimaadka

Jigjiga (Dawan)- Magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaaliada, waxaa markii ugu horeysay  laga hirgeliyay  Xarunta Dayactirka qalabka Caafimaadka, oo loogu tala galay inay daboosho baahidii deegaanka ka haysatay dhanka dayactirka qalabka caafimaadka.

Xaruntan ayaa ka qeyb qaadan doonta hormarinta adeegyada caafimaadka  ee deegaanka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaaliada u qaabilsa dhanka caafimaadka.

Goobaha caafimadka ee ku yaal Dowlad Deegaaanka Soomaalida waxaa soo wajihi jray caqabado badan iyo cellado ku yimaada qalabyada caafimaadka, balse hadda waxay mas’uuliyiintu sheegayaan in arrintaas xal loo  helay.

Hadda ka hor deegaankeena waxaa ka jiray haddii lasoo iibiyo qalab caafimad laguna shaqeeyo muddo inay cellad ku timaado. Waxaa lagayaaba iyada oo aan laga haagaajin celladi in qalab kale loo baahdo oo lasoo iibiyo. Hadda kadib goobtan waxay noqon doontaa goob lagu dayactiro qalabyadaas kala duwan. sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Wasiir ku xigeenka caafimaadka Dowlad Deegaanka Soomaaliada, Maxamed Ayaanle Xasan.

 Dayactirka qalabka  caafimaadka ee  isbitaallada deegaanka Soomaalida  ayaa la filayaa inay   Isbedal weyn ku sameeyaan  tayada adeegyada Caafimaadka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here