Saturday, July 27, 2024

Qatar ayaa garaacday Iran, waxayna finalka koobka Asia is arki doonaan Jordan

Dooxa (Dawan)- Qatar ayaa hal talaabo u jirta inay sii xajisato koobka Asia kadib markii ay galabta 3-2 uga badisay xulka Iran, ciyaar ka dhacday garoonka Al Thumama .

Xulka Qatar oo ku guuleystay koobkii ugu dambeeyay 2019 ee lay martigelisay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa mar kale doonaya in ay hantaan koobka Asia oo sannadkaan lagu qabanayo dhulkooda.

Goolasha waxaa u dhaliyay Qatar, Jassem Cabulsallam (17), Akram Cafif (43),iyo Almoez Cali (82) halka ay Iran u dhaliyeen labada gool ciyaariyahanada kala ah Sardar Azmoun (4) iyo Alireza Jahanbakhsh (53).

Xulka Qatar ayaa ciyaarta finalka ah kula kulmi doona garoonka Lusail Sabtida soo socota dhiggooda Jordan oo markii ugu horaysay taariikhda u soo baxay finalka Asia kadib markii ay 2-0 kaga badiyeen Kuuriyada Koonfureed.

Koobka kubadda cagta ee Qaramada Asia waa markii seddexaad ee lagu qabto dalka Qatar, kadib markii ay marti gelisay sannadihii 1988-kii iyo 2011-kii, waxa ayna kusoo beegantaahy sannad kadib markii ay marti gelisay koobkii adduunka ee 2022.

Kulamada kala duwan ee koobka Asia ayaa lagu ciyaaray 9 garoon oo intooda badan lagu ciyaaray koobkii adduunka ee lasoo dhaafay.

Guddiga qabanqaabada tartanka ayaa ku dhawaaqay in dhaqaalaha ka soo xarooda tigidhada ciyaaraha loo qoondeyn doono in lagu taageero dadaallada gargaarka ee dadka reer Falastiin, kuwaas oo ay soo food saartay dhibaato bini’aadantinimo oo ay sabab u tahay weerarada ay Israa’iil ku hayso Marinka Gaza.

Tartankan ayaa hore loo qorsheeyay in lagu qabto dalka Shiinaha 2023-ka, balse Beijing ayaa ka cudur daartay martigelintiisa sababo la xiriira daruufaha ka dhashay fayraska Corona, sidaas darteed Xiriirka Kubadda Cagta Asia ayaa go’aansaday in loo wareejiyo dalka Qatar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here