Thursday, September 19, 2024

Itoobiya oo $6 billion oo dayn ah ku dhisaysa garoon diyaaradeed

Addis Ababa (Dawan)- Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines iyo shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo Sidara ayaa soo gebagabeeyey heshiis lagu dhisayo garoonka ugu weyn Afrika oo ay wajiga kowaad ku baxayso lacag dhan 6 bilyan oo dollar oo dayn ah.

Garoonka cusub ayaa laga dhisi doona magaalada Bishoftu oo 45 KM u jirta caasimadda Addis Ababa, dhismihiisuna wuxuu dhammaan doonaa 2029.

Garoonkan oo laga dhisayo dhul baaxaddiisu dhan tahay 35 KM oo isku wareeg ah, ayaa waxa u adeegi doona in ka badan 100 milyan oo rakaab ah sannadkii marka la dhamaystiro, sida uu sheegay Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines Mesfin Tasew

Tasew ayaa intaas ku daray in garoonku yeelan doono 4 dhabbaha ay diyaaraduhu ka duulaan, kana soo degaan, waxa uuna qaadi doona ilaa 270 diyaaradood.

Qaar ka mid ah warbaahinta Imaaraadka ayaa tilmaamay in garoonkan uu noqon doono mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ugu wayn qaaradda afrika.

Garoonka caalamiga ah ee Bole waxa uu hadda awood u leeyahay inuu u adeego 25 milyan oo rakaab ah sannadkii.

Awoodda iskaashiga labada dal ee dhanka ganacsiga

Iskaashiga dhinacyada  ganacsiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda  ee ka dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xowli ku socday sannadihii lasoo dhaafay, waxaana la arkaayay booqashooyinka ay is dhaafsanayeen  madaxda labada dal iyo heshiisyada waaweyn ee ay kala saxiixdeen.

Imaaraadka  ayaa ah dowladda labaad ee ganacsiga ugu badan ay is dhaafsadaan Itoobiya, waxaana la sheegay in isweydaarsiga labada dowoladood kor u kacay in ka badan 7 jeer tan iyo 2008.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sannadihii lasoo dhaafay ka fulisay Itoobiya mashaaric horumarineed oo ka badan 2.9 bilyan oo doollar, iyada oo maalgelisay  warshadaha dawooyinka, beeraha, waxbarashada. iyo macdanta.

Labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiisyo kala duwan kuwaas oo kor loogu qaadaayay xoojinta iyo iskaashiga ganacsiga , waxaana ka mid ahaa heshiisyada  ay galeen iskaashiga dhinacyada maalgashiga, warshadaha iyo tiknoolajiyada casriga ah, caymiska, la dagaalanka argagixisada, wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo qaar kale.

Sida ay sheegatay wakaaladda wararka Imaartaadka Carabta ee WAM,  xiriiirka labada dwoladood ayaa soo billawday xilligii Sheekh Zayed bin Suldaan iyo Meles Zenawi, iyada oo safaraadda Imaaraadka ee Addis Ababa la furay 2010, halka Itoobiyana ay furatay safaaraddeeda sannadkii 2014.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here