Saturday, July 27, 2024

Dowladda oo soo saartay dib u habeynta gunnadda shaqaalaha KMG  

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo saaraty tilmaamaha dib u habeynta gunnadda Shaqaalaha kumeel gaar ah ee dowladda.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri, iyada oo la tixgelinayo awoodda  dhaqaale  ee  Dowladda  iyo  culeyska  kasaaran dhanka bixinta mushaarka iyo gunnooyinka shaqaalaha, sidoo kalana la arkay isku dheelitir Ia’aanta gunnooyinka shaqaalaha ku meel gaarka ah, waxa ay Wasaaraddu soo saartay tilmaamaha soo socda.

  • Tilmaamahan waxaa loogu talagalay dib-u-habeynta gunnadda shaqaalaha ku meel gaarka ah ee Dowladda, ujeedkooduna waa joojinta gunnooyinka dheeriga ah ee aan waafaqsaneyn jaangoynta bixinta mushaarooyinka iyo gunnooyinka Dowladda sida kuwa shaqaalaha rayidka ah ee ku dhisan darajooyinka A, B, C iyo D.
  •   Dhammaan waxaa lagu wargalinayaa hay’adaha Dowladda în ay bisha October 2023 u soo gudbiyaan mushaarooyinka iyo gunnooyinka shaqaalaha ku meel gaarka ah qaab waafaqsan darajooyinkooda hordhaca ah oo ay hadda ku shaqeeyaan, iyadoo Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda uu dib ka soo saari doono darajooyinkooda rasmiga ah.
  • Mushaar iyo gunno kasta ee shaqaale qaato oo aan waafaqsaneyn mid ka mid ah darajooyinka ku xusan jaantuska faqrada 4-aad ee Qodobkaan, waxaa loo rarayaa darajada ka hooseysa inta laga meel marinayo Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka iyo Gunnooyinka Shaqaalaha Dowladda.
  • Waxaa reeban mushaar ama gunno aan waafaqsaneyn darajooyinka ku xusan jaantuska hoose:

Wasaarraddu waxa ay sheegtay in tilmaamahaan laga reebay shaqaalaha xirfadlayaasha sare ah ee ka shaqeeya Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, shaqaalaha waxbarashada sida macalimiinta iyo lataliyaasha haya shaqo aan looga maarmi karin xîrfadooda darteed haystana magacaabista madaxda sare ee hay’adaha Dowladda.

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa billaabay bishii Agoosto in la diiwaan geliyo shaqaalaha ku meel gaarka ah ee ka howl gala hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here