Friday, September 20, 2024

Erdogan oo rajo ka muujiyay wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya

Ankara (Dawan)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kawada hadlay khilaafka dhanka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo sidii xal looga gaari lahaa, Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Turkiga.

Labada madaxweyne oo kuwada hadlay khadka telefoonka ayaa sidoo kale isla soo qaaday sidii loosii xoojin laha dhinacyada iskaashiga, waana markii labaad ee labada madaxweyne wadahadlaan muddo ka yar 20 maalin.

Erdogan ayaa tilmaamay in Turkiga uu sii wadi doono dadaalada uu ku doonayo in lagu xaliyo xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, islamarkaana la filayo in natiijo wax ku ool ah laga gaaro wada xaajoodka wareegga labaad ee ka dhici doona maalina berri ah magaalada Ankara.

Madaxtooyada Soomaaliya wax war ah kama soo saarin wadahadalka Xasan Sheekh iyo Erdogan ilaa iyo hadda (21:40) Waqtiga Geeska Afrika .

Wadahadalka labada Madaxweyne ayaa imaanaya maalin kadib markii Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay kawada hadleen isla xiisaddan iyo dadaallada uu Turkigu ku bixinayo sidii loo gaari lahaa xal degdeg ah.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa dhankiisa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dadaalada Madaxweyne Erdogan ee fududeynta xallinta is-faham la’aanta u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in shacabka Itoobiya ee ah 120 milyan inay helaan bad.

Wasiirka arrimaha Dibadda Turkiga Fidan ayaa usoo bandhigay labada dhinac qorshe lagu soo afjarayo xiisadda labada dal kaas oo ah in Itoobiya ay hesho marin badeed iyada oo loo marayo Soomaaliya, halka Itoobiya ay beddelkeed si aan shaki lahayn u qaddarin doonto midnimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ankara ayaa martigelin doonta maalinta berri ah wareegga labaad ee wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo laga soo hormariyay muddadii hore kadib markii Turkigu soo bandhigay qorsha cusub oo khilaafka lagu xallin karo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here