Saturday, July 27, 2024

Dowladaha G7 oo walaac ka muujiyey heshiiska Somaliland iyo Ethiopia ee badda

Rome (Dawan)- Dowladaha ku bahoobay G7 ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’antahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika, xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhanka badda.

Dowladaha G7 waxa ay walaac xooggan ka muujiyeen heshiiskii is-afgaradka ahaa ee 1-dii January dhax maray Itoobiya iyo Somaliland kaas oo ku saabsanaa in Itoobiya dekad ka hesho xeebaha Soomaaliya.

G7 ayaa ugu baaqay dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya in ay dariiqa wada hadalka ku xalliiyaan khilaafka jira iyada oo lala kaashanayo dowladaha gobolka iyo MidowgaAfrika, si looga hortago in xaaladdu sii cakiranto.

“Waxaan ku boorrinaynaa Itoobiya iyo Soomaaliya inay sii wadaan wadahadalkooda ayna raadiyaan xal nabadeed, iyagoo ixtiraamaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed sida uu aqoonsan yahay sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri afhayeen u hadlay G7.

Soomaaliya oo soo dhaweysay war-murtiyeedka G7

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Wasiirada Arrimaha Dibadda ee G7 ee ka dhacay magaalada Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhaxeysay 16-kii ilaa 19-kii bishan April, kaas oo lagu muujiyay sida ay uga go’an tahay G7 in wax laga qabto arrimaha xasiloonida ee Geeska Afrika.

Soomaaliya waxay bogaadisay sida ay G7 diiradda u saareen horumarinta nabadda, amniga, xasilloonida gobolka iyo wax ka qabashada arrimaaha bini aadanimada.

Soomaaliya waxay sidoo kale hoosta ka xariiqday sida ay uga go’an tahay ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka iyada oo muujisay rabitaankeeda ah xoojinta wadashaqeynta G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah.

Marka la eego khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa ay Soomaaliya ku baaqday in laga laabto heshiiska ay ku tilmaamtay inuu sharci darro ahaa ee dhax maray Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo xad gudub ku ahaa midnimada, madax-bannaanida Soomaaliya la ixtiraamayo

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here