Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in canshuurta danabeysan ee gedista la dhaqan geli doono 18-ka bishaan lagu jiro, iyada oo macaamiishu ay ku dari doonaan lacagta ay wax ku iibsadaan 5%.

Dhanka kale, Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa uga digtay bulshada cudurka cusub ee Monkeypox (Mpox) kaas ku faafay qaar ka mid ah dalalka Afrika, lagana muujiyay walaac xoogan.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday dadwaynaha inay xiriir lasoo sameeyaan haddii ay dareemaan astaamaha lagu garto cudurkan oo ay ka midyihiin finan kasoo baxa maqaarka, qandho, xanuunada madaxa, murqaha, dhabarka iyo tabaryari.

Ilaa iyo hadda 517 oo qof ayaa u dhintay cudurkan, waxaana kiisaskiisa laga diiwaan geliyay ilaa 13 waddan.

Garoowe

Wasaaradda Waxbrashada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay natiijada Imtixaanka fasalka 12-aad ee deeganada maamulkaas kuwaas oo aan ka qaybgelin imtixaanka mideysan ee dowladda Federaalka.

Imtixaanka sannad dugsiyeedka Puntland ee 2023-2024, waxaa u fadhiistay arday gaareysa 7,562, waxaana baasay imtixaanka 6950 arday.

Jowhar

Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa maanta ka furmay Shirka Hagista Xukuumadda Dowladda Goboleedka Hirshabeelle oo ay ka qeyb galeen Golaha Wasiirrada iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaarradaha.

Shirkan ayaa socon doona muddo 3 maalin ah, waxaana diiradda lagu saari doona hiigsiga iyo iyo qaabka loo hagayo mashaariicda horumarineed ee deegaanada Hirshabeelle.

Itoobiya

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay maalmihii lasoo dhaafay weeraro ay kooxo hubaysan ku qaadeen deegaano kala duwan oo hoostaga gobolka Oromia ee dalka Itoobiya.

Dadka la dilay waxaa ka mid ah laba haween ah, waxaana lagu eedeeyay inay weeraradaas ka dambeeyeen dagaalayahano ka tirsan jabhadda Fano.

Maalmihii ugu dambeeyay xaaladda amaan ee galbeedka Oromia gaar ahaan Horro Guduru Wollega ayaa sii xumaanaysay iyada oo ay soo noqnoqdeen iska horimaadyada hubeysayn ee ka dhaca halkaas kadib markii hub fara badan uu gacmaha u galay dadka deegaanka.

Kenya

Guddiga amniga gudaha iyo difaaca ee Baarlamaanka Kenya ayaa su’aalo waydiinaya maanta Douglas Kanja Kirocho oo uu madaxweyne William Ruto u soo magacaabay taliyaha guud ee ciidanka Boliiska kadib is casillaaddii taliyihii hore ee Japhet Koome.

Waydiimahan ayaa looga gol leeyahay in lagu kala ogaado in Taliyaha cusub uu kasoo bixi karo jagada loo magacaabay iyo khibradda uu u leeyahay howlaha ciidanka Boliiska.

Ruush/ Ukraine

Ruushka iyo Ukraine ayaa weli isku horfadhiya gobolka Kursk, kadib weerarkii Kyiv ay ku qaaday gobolkaas 6-dii bishaan August. Ukraine waxay sheegtay inay qabsatay 74 deegaan tan iyo markii ay weeratay Kursk.

Dowladda Ruushka ayaa dhankeeda sheegtay in 12 qof lagu dilay, halka 121 kalena lagu dhaawacay gobolka oo ay ku jiraan 10 carruur ah, tan iyo markii uu bilowday weerarka Ukraine

Ciraaq/ Turki

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ciraaq ahna wasiirka arrimaha dibadda Fu’aad Xuseen oo hoggaaminaya wafdi heer sare ah ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Turkiga.

Ujeedada booqashada wafdiga Ciraaq ayaa ah ka qaybgalka kulanka kowaad ee guddiga Qorsheynta Wadajirka ah ee Turkiga iyo Ciraaq.

Waxaa sidoo kale ka dhici doona Turkiga, shirkii afraad ee arrimaha amniga, iyada oo ay ka qaybgeli doonaan mas’uuliyiinta u qaabilsan labada dal dhanka amniga.

Koonfur Afrika

Koonfur Afrika ayaa la filayaa in ay masaafuriso dhowr qof oo u dhashay Mozambique oo ay maxkamadi ku heshay dambi ah inay ku xad gudbeen sharciga socdaalka ee dalkaas.

Dadkaan ayaa la qabtay todobaadkan, waxaana lagu eedeeyay inay si sharci darro ah ku joogeen Koonfur Afrika.

Koonfur Afrika ayaa dagaal xoogan kula jirta dadka sida sharci darrada ah kusoo gala dalkeeda kuwaas oo kasoo cararay dalalkoodi si ay fursado shaqo uga helaan dalka ugu warshadaha badan Afrika.

Hindiya

Hindiya waxay u dabaaldageysaa maanta sannad guuradii 78-aad ee kasoo wareegtay markii ay ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska sannadkii 1947.

Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa calanka ka taagay caasimadda New Delhi, waxaana ka socda guud ahaan gobollada dalkaas dabaaldegyo iyo munaasabado lagu waynaynayo maalinta xorriyadda.

Falastiin

Wareeg cusub oo looga wadaxaajoonayo sidii loo joojin lahaa dagaalka Gaza la iskuna dhaafsan lahaa maxaabiista ayaa lagu wadaa inuu Israel iyo Xamaas uga billoowdo caasimadda Qatar ee Dooxa.

Xamaas waxey dalbatay in la dhaqangeliyo qodobadii horay loogu heshiiyay iyo soo jeedintii Madaxweynaha Mareykana, waxayna sheegtay inaysan diyaar u ahayn inay ka qaybqaadato wadahadallo cusub.

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 314-aad, waxaana ku dhintay in ka badan 39,965 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 92,294 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 630 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023

2,206 askari oo Israel ah ayaa ku dhaawacmay dagaalladii dhulka ee Marinka Gaza oo billowday 27-kii bishii October, taasoo tirada guud ee askarta Israel ee dagaalka ku dhaawacantay ka dhigaysa 4,310 askari tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza 7-dii isla bishaas.

Sidoo kale, 690 ayaa la dilay kuwaas oo 330 ka mid ah lagu dilay dagaalladii dhulka ee Marinka Gaza, sida lagu sheegay xog kasoo baxday ciidamada Israel.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here