Wednesday, December 4, 2024

Hargeysa oo Muqdisho uga digtay faragelinta doorashooyinkeeda

Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa caro ka muujisay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ah inay si dhow ula socoto doorashooyiinka madaxtinimada iyo xisbiyada ee lagu wado inay ka dhacaan Somaliland 13 ka bishaan November.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu yiri; “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay si adag u diideysa war-murtiyeedkii ka soo baxay maamulka aan la dooran ee Muqdisho”

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay sumcad ku hesho horumraka ito dimuquraadiyadda Somaliland ee soo socotay in ka badan 30 sano.

Somaliland ayaa ugu baaqday dowladda Somaaliya inay ixtiraamto madaxbanaanideeda kana fogaato wax kasta oo faragelin ku ah doorashada dhaceysa 13-ka November

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here