Thursday, September 19, 2024

Ku dhawaad 100 Liibiyaan ah oo laga tarxiilay Koonfur Africa

Johannesburg (Dawan)- Wasaaradda arrimaha gudaha ee Koonfur Afrika ayaa ku dhawaaqday inay dalkeeda ka tarxiishay 95 qof oo u dhashay Libya kuwaas oo lasoo qabaty 26-kii bishii July iyaga oo si qarsoodi ah ugu tababaranayay xero ciidan oo ku taal gobolka Mpumalanga ee bariga Johannesburg.

Wasaaraddu waxay sheegtay in maxaabiistan ay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha ee Kruger Mpumalanga, subaxnimadii Axadda , iyagoo raacay diyaarad ay soo dirtay dowladda Libya.

Sida laga soo xigtay Boliiska Koonfur Afrika, Liibiyaanku waxay dalkaas ku galeen bishii April ee la soo dhaafay fiisooyinka been abuur ah oo ay kasoo qaateen Tunisia.

95 qof ayaa markii hore lagu eedeeyay inay ku xad-gudbeen sharciga socdaalka balse dacwad oogayaasha Koonfur Afrika ayaa Khamiistii la soo dhaafay laalay eedeymaha loo haystay, sababo la xiriira in la waayay cadeymo ku filan oo maxkamad lagu sari karo

Hadal uu soo saaray, wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur Afrika Leon Schreiber waxa uu ku ammaanay mas’uuliyiinta wasaaradda iyo shaqaalaha kale ee amniga oo si hagar la’aan ah uga shaqeeyay si loosoo afjaro kiiskan, wuxuuna ballan qaaday inay ka hortegi doonaan dhammaan falalka sharci darrada ah oo keeni kara amni darro.

Markii la xiray 95 qof dhamaadkii bishii hore, Xukuumadda Libya ayaa iska fogeysay inay wax xiriir ah la leedahay kooxdan la qabtay , waxayna ku sheegtay bayaan ay soo saartay inaysan jirin muwaadiniin ay u dirtay tababar ciidan ama howl xiriir la leh arrimo amni.

Dowladda Libya ayaa u xilsaartay safaaraddeeda dalkaas inay si hoose ula socoto xaaladda kooxdan , iyada oo ballan qaaday inay ka qayb qaadan doonto baaritaanka kiiskooda, si looga daba tago arrimaha ku xeeran iyo cidda ay u shaqeeyaan kooxdan lasoo qabtay.

Tan iyo markii xilka laga tuuray Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii, dalka Libya waxa uu galay dagaal sokeeye iyo kala qeybsanaan siyaasadeed taas oo keentay inay abuurmaan kooxa tira badan oo hubeysan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here