Saturday, July 27, 2024

Muslimiinta qaar oo sooman maanta iyo kuwa kale oo sugaya berri

Muqdisho (Dawan)- Qaar ka mid ah wadamada Islaamka ayaa xalay ku dhawaaqay in la arkay bishii Ramadaan sidaas darteedna ay maanta oo Isniin u tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan ee sanadka 1445-ta Hijriyada

Dalalka maanta billaabay soonka, waxaa ka mid ah Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Soomaaliya, Jabuuti, Imaaraadka Carabta, Dowladda Qatar, Kuwait, Masar, Suuriya, Aljeeriya, Lubnaan, Yemen, Tunisia, Suudaan, Falastiin, iyo Sunniyiinta Ciraaq.

Dhinaca kale, waxaa jira dalal sheegay in la arki waayay bishii Ramadaan sidaas darteedna maanta ay tahay maalintii ugu dambeysay ee bisha Shacabaan, iyada oo Soonka la billlaabi doono berri oo Talaado ah.

Dalalka berri billaabi doona Soonka, waxaa ka mid ah, Cumaan, Urdun, Morocco, Libya, Iran, Brunei, Indonesia, Malaysia iyo Singapore.

Inta badan waa arrin dhacda in la isku khilaafo maalinta ay billaabaneyso ama dhamaaneyso bisha Ramadaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here