Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Shirweynaha Madasha Magan oo lagu sahminayo iskaashi maalgashi oo dhexmara dowladda iyo ganacsatada ayaa ka furmay Muqdisho.

Shirka waxaa  lagu lafaguraya fursadaha iyo caqabadaha ku geedaaman iskaashiga dowladda iyo ganacsatada, iyo istiraatiijiyadaha lagu gaari karo horumar waara oo ka hanaqaada Soomaaliya.

Dhuusamareeb

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay tira kalena way ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Jigjiga

Aadan Faarax oo ah ra’iisul wasaare kuxigeenka Itoobiya ayaa sheegay in Itoobiya ay marwalba aaminsantahay in la ixtiraamo daris wanaaga, wax wada qabsiga iyo xoojinta isdhexgalka Geeska Afriika.

Aadan ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu yiri, hadallo dhaawacaya wada noolaanshaha iyo deris wanaagga shucuubta geeska Afriika oo ay Soomaalidu qayb muhiim ah ka tahay.

Kenya

Wasiirka Maaliyadda ee Kenya John Mbadi ayaa sheegay in dib loosoo celin doono qaar ka mid ah canshuurihii la laalay kadib dibadbaxyadii ka dhacay dalkaas bishii June ee la soo dhaafay, ayna ku dhinteen ina ka badan 40 qof.

Madaxweyne William Ruto ayaa diiday inuu saxiixo sharciya maaliyadda, isagoo markii dambe kala diray xubnihii xukuumaddisa kadib markuu cadaadis kala kulmay dibadbaxayaasha oo xoog ku galay xarunta Baarlamaanka.

Sharcigaas ayaa ka koobnaa canshuuro cusub iyo in lasoo aruuriyo lacag dhan 346 bilyan oo lacagta Kenya ah una dhiganta 2.70 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

UN

Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareysay heerka kororka rabshadaha ka dhanka ah shaqaalaha gargaarka bini’aadantinimo, iyadoo la soo wariyay in la dilay 280 shaqaale gargaar ah oo caalami ah sannadkii 2023, taasoo noqotay tiradii ugu badnayd ee abid la diiwaangeliyo.

Sannadkii 2023, waxaa la dilay 280 shaqaale gargaar ah oo ka howlgalayay 33 waddan, taasoo ka dhigan koror dhan boqolkiiba 137 marka loo eego sannadkii 2022, oo la dilay 118 shaqaale gargaar ah, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday OCHA.

Congo

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa rajaynaysaa inay hesho tallaalkii ugu horeeyay ee cudurka mpox toddobaadka soo socda, ka dib ballan-qaadyo uga yimid Mareykanka iyo Japan si looga caawiyo wax ka qabashada cudurka ka dillaacay dalkaas, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo caafimad kadib markii uu cudurkan ka dillaacay markii labaad qaaradda Africa, iyada oo sidoo kale laga diiwaan geliyay dalal ka baxsan qaaradda sida Sweden iyo Pakistan.

Wasaaradda Caafimaadka, Shaqada iyo Samafalka Japan ayaa u sheegtay Wakaaladda wararka ee Reuters inay isku diyaarinayso inay Congo u dirto tallaalka mpox iyadoo la kaashanaysa Ururka Caafimaadka Adduunka.

Itoobiya

Jabhadda Xoreynta Tigray (TPLF) ayaa mar kale guddoomiye u doortay Debretsion Gebremichael intii lagu guda jiray shirweynihii 14-aad ee dhawaan la soo gabagabeeyay, kaasoo ka dhacay magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray.

Shirweynihii 14aad ee TPLF ayaa sidoo kale lagu doortay 45 xubnood oo golaha dhexe ah iyo sagaal xubnood oo ka kooban gudiga dabagalka xisbiga.

Senegal

Ra’iisul wasaaraha Senegal Ousmane Sonko ayaa sheegay in la dhisay guddi khubaro ah oo dib u eegis ku sameeya qandaraasyada saliidda iyo gaaska, si loo dheelitiro danta ugu jirta shacabka qandaraasyadaaas horay loo galay

Masar

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa maanta oo Talaadada ah gaaray Qaahira isagoo kasoo duulay Israel, si uu madaxda Masar ugala hadlo dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro heshiiska isdhaafsiga maxaabiista Israel iyo Xamaas iyo xabbad-joojinta dagaalka Gaza.

Waa marki sagaalaad ee uu Blinken booqasho ku tago Bariga Dhexe tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza bishii October ee sannadkii 2023

Qaahira kadib waxaa lagu wadaa inuu u safro Dooxa si uu ula kulmo Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Masar, Qatar iyo Mareykanka ayaa ah dowladaha ku howlan xabbad joojinta dagaalka iyo in labada dhinac ay gaaraan heshiis la isku dhaafsanayo maxaabiista.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 319-ad, waxaana ku dhintay in ka badan 40 kun iyo 139 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 92,743 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 635 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here