Saturday, July 27, 2024

Jabuuti oo bogaadisay go’aanka ICJ ay kasoo saartay dacwada ka dhanka ah Israa’iil

Hague (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa soo dhaweysay go’aanka ay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka kasoo saartay shalay dacwada loo heysto Israa’iil ee ku saabsan xasuuqa dadka Falastiin.

Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ayaa ku amartay Israa’iil in ay qaado tallaabooyin looga hortegayo xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta iyo wax ka qabshada xaaladda bini’aadantinimo ee Marinka Gaza, inkasta oo aysan ku dhawaaqin “xabad joojin”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadda ICJ ee joojinta xasuuqa Falastiin la horgeyn doono Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Go’aanka ICJ ee looga dalbaday Israa’iil inay joojiso xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta waxaa la horgeyn doonaa Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, markaas waxaan arki doonnaa in Dowladaha xubnaha ah ay garab istaagaan waanaaga ama sharta, ma jiro dariiq 3-aad” ayuu yiri, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti.

Wasiirka ayaa intaas ku daray “In aad tahay Dowlad dimuqraadi ah kuma siinayso xuquuqda ah inaad disho kumanaan dad rayid ah si aad u tirtirto isirkooda una qaadato dhulkooda”

Sidoo kale, Dowladda Jabuuti ayaa uga mahadcelisay Koonfur Afrika sida ay u matashay caalamka kadib markii ay qaaday tallaabo sharci ah oo lagu garab istaagayo dadka Falastiin ee dhibaatada ku jira.

Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ayaa diiday codsigii Israa’iil ee ahaa in ay ka noqoto aqbalaadda dacwadda Koonfur Afrika ee ay soo gudbisay, waxeyna caddeysay in ay awood u leedahay  in ay go’aan ka gaarto dacwada Koonfur Afrika ee ka dhanka ah Israa’iil.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa dacwad ka gudbisay Israa’iil 29-kii December, ee sannadkii tegay, iyada oo ku eedaysay in ay ku xadgudbtay waajibaadka ka saaran ilaalinta Axdiga Xasuuqa, waxayna dalbatay in la qaado tallaabooyin looga hortegayo in xasuuq kale loo geysto dadka Falastiiniyiinta ah.

Tan iyo bishii October ee lasoo dhaafay, ciidamada Israa’iil waxa ay dagaal ba’an ku wadeen Marinka Gaza, waxaana lagu dilay dagaalkaas in ka badan 25 kun oo Falastiiniyiin ah halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 63 kun oo u badan carruur iyo haween.

Duqeynta iyo weerada Israa’iil ay ku hayso Marinka Gaza ayaa sidoo kale sababtay burbur ballaaran iyo masiibo bini’aadantinimo oo aan hore loo arag, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here