Thursday, September 19, 2024

Wasaaradda Maaliyadda oo amara cusub dul dhigtay ganacsatada

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo saartay amara cuusb oo ganacsatda waajib uga dhigaya inay isticmaalaan Koontooyinka Ganacsi ee afka qalaad lagu dhaho (Merchant Accounts).

Wasaaradda ayaa amarkaan uga dan leh in lala socdo dhammaan dhaq-dhaqaaqyada ganacsi ee la xiriira iibinta badeecadaha iyo adeegyada, si loo hirgeliyo canshuura iibka ee ay dowladdu soo rogtay dhawaan lana dhaqangeliyay 18-ka bishaan.

Arrintan ayaa lagu salaynayaa Qodobka 36-aad ee Xeer-nidaamiyaha Maamulka Dakhliga, kaas oo si cad u faraya in dhammaan ganacsiyada ay isticmaalaan koontooyin ganacsi.

Amarka cusub ayaa sidoo kale faraya ganacsatada in ay faahfaahinta koontooyinkooda ganacsi (Merchant Account Details) u gudbiyaan Wasaaradda Maaliyadda.

Ganacsatada aan u hoggaansamin amarkan ayaa la sheegay inay wajihi doonaan ciqaabo adag. Waxaa lagu soo rogi doonaa ganaax dhaqaale oo aan ka yareyn $2,000 ama xabsi dhan lix bilood ilaa afar sano. Waxaa sidoo kale la xirayaa xarunta ganacsiga haddii uu ganacsaduhu sii joogteeyo inuusan fulin amarkan cusub.

Go’aankaan ayaa kusoo aadaya iyada oo qaar kamid ah ganacsatada ay gadood ka sameeyyen canshuurta gadista, waxaana weli xiran qaar ka mid ah ganacsiyada magaalada Muqdisho.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here