Sunday, May 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

TÜRKIYE

Ankara- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin kula yeeshay xarunta madaxtooyada Ra’iisul wasaaraha Azerbaijan Ali Asadov.

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka Turkiga, Cevdet Yilmaz ayaa lagu wadaa inuu wada hadalo laba geesood ah la yeesho Asadov iyo guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha ee Turkiga iyo Azerbaijan.

GERMANY

Berlin – Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz iyo Madaxweynaha Finland Alexander Stubb ayaa kawada xaajoonaya xiriirka laba geesoodka ah, xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo arrimaha amniga caalamiga ah.

TALYAANIGA

Rome – Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa booqan doona Talyaaniga. Stoltenberg ayaa la kulmi doona Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni.

WAQOOYI MASADONIYA

Skopje – Muwaadiniinta Waqooyiga Macedonia ayaa u dareeray goobaha cod bixinta si ay u doortaan 123-ka xubnood ee Golaha Baarlamaanka shaqeyn doona afarta sano ee soo socota.

HUNGARY

Budapest – Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa booqasho rasmi ah ku tagata dalka Hungary, isaga oo la kulmi doona Ra’iisul Wasaare Viktor Orban iyo Madaxweyne Tamas Sulyok.

UK

London – Baarlamaanka Ingiriiska ayaa su’aalo waydiin doona Ra’iisul wasaare Rishi Sunak, waana kalfadhigii ugu horeeyay ee su’aalo lagu waydiiyo tan iyo markii Xisbigiisu guul darro kala kulmay doorashadii deegaanka ee dhacday todobaadkii hore

London – Isku soo baxyo ka dhacaya London ayaa lagu wadaa in baroor diiq loogu sameeyo Dr. Cadnaan Al-Bursh, oo ahaa dhaqtar Falastiini ah oo ku dhintay xabsiga Israel 2-dii May.

London – Waxaa wali ka socda Ingiriiska bannaanbaxyada looga soo horjeedo qorshaha dowladda ee dadka qaxootiga ah loogu tarxiiliyo dalka Rwanda.

KOONFUR AFRIKA

George – Shaqaalaha gurmadka Koonfur Afrika ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo soo badbaadin lahaa tobaneeyo qof oo ku go’doonsan dhismo kusoo dumay.

CIYAARAHA

Madrid – Lugta 2-aad ee semi-finalka tartanka UEFA Champions League, ayaa caawa lagu wadaa in ay wada ciyaaraan kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich.

Real oo isbuuci hore ku guuleysatay horyaalka Spain ee La Liga, ayaa caawa garoonkeeda ku martigelineysa kooxda ka socota Jarmalka ee Bayern Munich.

Lugtii 1-aad ayaa ku soo idlaatay 2-2, waxaana kooxdi caawa soo baxda ay la ciyaari doonta finalka Champions League kooxda Borussia Dortmund oo xalay ka badisay Paris Saint-Germain.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here