Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Ugu yaraan shan askari ayaa ku dhintay kuwa kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray qarax Al-shabaab sheegatay oo lala beegsaday barkontorool oo ku taal degmada Garsbaalleey ee duleedka Muqdisho.

Warbaahinta dowladdu waxay sheegtay in ciidamadu fashilyeen laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa kuwaas oo la doonayay in lasoo geliyo gudaha magaalada Muqdisho

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, wuxuuna bogaadiyay ciidamada halkaas ku sugnaa ee naftooda u huray inay badbaadiyaan dadwaynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ku qaabilay Madaxtooyada , Danjiraha cusub ee dowladda Shiinuhu usoo magacowday Soomaaliya Wang Yu ayaa ka guddoomay Warqadaha aqoonsigiisa Safiirnimo.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Safiirka cusub sida uu u soo bandhigay doonistiisa la xiriirta xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo tilmaamay ahmiyad ay leedahay xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Jigjiga

Waxaa ka socda Dowlad Deegaanka Soomaalida diyaar garwoga loogu jiro qorshaha lagu beerayo dhir ka badan 2.5 milyan oo geed, taas oo qayb ka ah ah qorshaha guud ee dalka Itoobiya looga beeri doono 600 oo milyan oo geed iyada oo la fulinayo baraamijka dhaxalka reeb ee wax ka qabashada isbedelka cimilada.

Kenya

Sideed qof oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsan Boliiska Kenya ayaa la xiray kadib markii ay baxsadeen 13 qof oo ku xirnaa saldhigga Boliiska Gigiri ee magaalada Nairobi.

Maxaabiista baxsatay waxaa ka mid ahaa Collins Jumaisi oo lagu eedeeyay inuu dilay 42 haween ah labadi sano ee lasoo dhaafay kuwaas oo qaar ka mid ah meydadkooda laga helay goobta qashin qubka xaafadda Kware ee Nairobi.

Uganda

Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusf ayaa billaabay safarka ololihiisa doorashada tartanka Guddoomiya Guddiga Midowga Afrika, isaga oo Kampala kula kulmay madaxweyne Yoweri Museveni

Labada dhinac ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal, taageerada Uganda ee murashaxa Jabuuti iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka ayaa Museveni ku wareejiyay dhambaal uu ka siday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Itoobiya

Getachew Reda, madaxweynaha maamulka ku meel gaarka ee gobolka Tigray, ayaa soo saaray awaamiir lagu mamnuucayo in deegaanada gobolka lagu qabto shir ama kulamo aan loo haysanin ogolaansho kasoo baxday xafiiskiisa.

Getachew ayaa sheegay in maamulkiisa ay hortaallo wax ka qabashada arrimo kale oo muhiim ah sida dib usoo celinta barakacayaasha ah, ilaalinta midnimada , wax ka qabashada cudurka daacuunka, dhamaystirka miisaaniyadda, iyo qorsheynta sanad xisaabeedka 2024/2025.

Jarmalka

Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa booqasho rasmi ah ku tegaya Moldova si uu ula kulmo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas.

Waxyaabaha ay kawada hadli doonaan labada dhinac waxaa ka mid ah codsiga Moldova ee xubinnimada Midowga Yurub

Mareykanka

Xisbiga Dimuquraadiga ee dalka Mareykanka ayaa si rasmi ah u ansixiyay Kamala Harris inay noqoto murashaxa xisbiga ku meteli doonta u tartamidda doorashada madaxtinimo ee soo socota.

Go’aanka ayaa lagu qaatay shirweynaha xisbiga ee ka socda magaalada Chicago ee gobolka Illinois.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 320-ad, waxaana ku dhintay in ka badan 40 kun iyo 173 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 92,857 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 635 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Dhanka Isarel, tirada ciidamada dhimatay waxay gaartay 693 tan iyo bilowgii dagaalka bishii October ee sanadkii tegay. 330 waxaa lagu dilay dagaalka dhulka ah ee marinka Gaza.

Dhaawaca ciidamada ayaa lagu sheegay 4,347, sida laga soo xigtay warbixin kasoo baxday Israel

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here