Saturday, May 18, 2024

Somaliland oo saartay qodobo lagu hormarinayo adeegyada bulshada

Hargeysa (Dawan)- Fadhiga Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu lafo-guray qodobbo kala duwan oo salka ku haya sidii la isu-waafijin lahaa arrimaha doorashooyinka sannadkan gudihiisa loo diyaar garoobayo iyo qorsheyaasha guud ee horaminta dhinacayada maaliyadda, amniga iyo ka hortagga shilalka gaadiidka ee kusoo badanayay waayihii ugu dambeeyay deegaanada Somaliland.

Kulanka waxaa sidoo kale looga dooday diyaar garowga xooggan ee xuska 18-May ee sannadkaan oo ku beegan sannad guuradii 34-aad markii ay Somaliland ku dhawaaqday in ay tahay dal madax bannaan.

Golaaha Wasiirrada Somaliland ayaa shirkooda kasoo saaray qodobada soo socda;

1. In la Aas-aaso sanduuqa horumarinta qaranka laga bilaabo 2025-ka, iyadoo habraaca lagu maamulayo ay soo diyaariyaan wasaaradaha horumarinta maaliyadda iyo qorshaynta iyo horumarinta qaranka.

 Gudiga heer Qaran ee Qorshaynta Somaliland ayaa hore usoo jeediyay hirgelinta Sanduuqa Horumarinta Qaranka iyo in 20% miisaaniyada qaranka loo qoondeeyo si la isu waafajiyo Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo Miisaaniyada Qaranka.

2. Goluhaha Wasiiradu waxa uu xoojinayay go’aamadii hore uga soo baxay shirarkii hore ee la xidhiidhay in mashaariicda horumarineed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho beesha Caalamka aan cid kale loo soo marin ee wixii ay xaq u leedahay toos loogu soo hagaajiyo.

3. Tirada Dadka Jamhuuriyadda Somaliland ku dhaqan oo wakhtigan maraya 6.2 Milyan, waxa ay xukuumaddu sheegtay in ay ku hawlan tahay sidii ay u heli lahaayeen adeegyo dhamaystiran oo laga baaraan degay.

4. In tallaabo sharci oo deg-deg ah laga qaado arrimaha soo noq-noqday ee sababa shilalka gaadiidka ee naf iyo maalba ee dhibaatada ku haya dalka iyo dadkaba, iyadoo loo saaray guddi ka kooban wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo laamaha amniga ee arrintaasi khusayso.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here