Thursday, September 19, 2024

Sayid Cali oo loo haysto dilka xaaskiisa ayaa kasoo muuqday Maxkamadda Sare

Muqdisho (Dawan)- Kadib xukun dil ah oo ay isku raaceen Maxkamadaha Gobalka Banaadir iyo Racfaanka, waxaa maanta Maxkamadda Sare la horgeeyay Sayid Cali Cali Macallin Daa’uud oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilka xaaskiisa.

Sayid Cali ayaa lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku gubay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir taariikhdu marki ay ahayd 26 Jan 2024, kadibna waxa uu u fakaday deegaanka Gabdaale oo hoos taga Magaalada Hobyo, inkasta oo markii dambe gacanta lagu soo dhigay.

Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa horaantii bishii March ku riday xukun dil ah eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo lagu helay inuu geystay fal dambiyeedki ay ku dhimatay xaaskiisa Luul Cabdicasiis, kadib markii uu dab qabadsiyay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa  sidoo kale ayidday xukunkii dilka ahaa ee  Maxkamadda Gobalka Banaadir taariikhdu marki ay ahayd May 15, 2024.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here