Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Dhowr qarax oo xalay lala beegsaday suuqayada waaweyn ee deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sababay khasaaro hantityadeed oo ballaaran.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa ku eedeeyay ururka Al-shabaab inay ka dambeeyeen qaraxyada sababay inuu dab ka kaco suuqa, taas oo keentay inay ku hanti beelaan ganacsato badan.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray inay ku guuleesteen ugu dambeyntii daminta dabka iyo in la badbaadiyo qaar ka mid ah hantida dadwaynaaha, wuxuuna tilmaamay in la billaabay baaritaan lagu daba gelayo arrintan xalay dhacday.

Imtixaanka Macallimiinta

13,250 qof oo isagu jira rag iyo dumar una tartamaya in loo qaato macallinmo ayaa maanta u fadhiistay imtixaanka ay qaadeyso Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Kaliya seddex kun oo macallin ayaa loo qaadan doona inay ka howlgalaan goobaha waxbarashada ee Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug, Banaadir iyo Khaatumo.

Imtixaanka waxaa lagu gelaya 19 degmo oo dowlad goboleedyada ah iyo 14 xarumood oo gobolka Banaadir ah.

Garoowe

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa beeniyay eedeymaha uga yimid hay’adda UNICEF ee ku saabsan in maamulka Puntland uu toogasho ku fuliyay carrruur aan qaar ahayn.

Wasiirka ayaa warbaahinta u sheegay in si dhamaystiran loo xaqiijiyay da’da dadka la toogtay kuwaas oo dhamaantood ka waynaa 30 sano.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan toogtay toban qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab sidoo kalena ay ka dambeeyeen falal dil ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Mandera

Xaaladda amni ee ismaamulka Mandera ayaa laga soo dayrinaya, waxaana kusoo batay maalmihii ugu dambeeyay dhacdooyin ka dhan ah xasiloonida iyo nabadda deegaanada hoos taga ismaamulka.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka mid ah dilkii loo geystay darawalkii guddoomiye ku-xigeenka iyo gaarigii guddoomiyaha oo la xaday.

Jigjiga

Dowlad Deegaanka Soomaaliada ayaa markale ka digtay halista ka dhalan karta fatahaadaha la filayo inay ka dhashaaan wabiga Shabeelle, ka dib markii roobab xooggan ay si isdaba joog ah uga da’een buuralayda sare ee dalka Itoobiya.

Roobabkan ayaa sababay in heerka biyaha wabiga uu si xawli ah kor ugu kaco, taasoo keeni karta fatahaado gaysan kara khasaare ballaaran oo naf iyo maalba leh.

Kenya

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada shan ruux ka dib shil saaka ka dhacay waddada wayn ee isku xirta magaalooyinka Eldoret iyo Malaba ee ismaamullada Uasin Gishu iyo Busia.

Labo qof oo kale ayaa dhaawacyo culus soo gaareen waxaana xaaladooda caafimaad lagula tacaalaya isbitaalka Eldoret.

Dhwor jeer laamaha dowladda Kenya ee qaabilsan ka hortagga shilalka iyo bad qabka dadweynaha ayaa soo saaray awaamir iyo digniino lagu xakamayanayo shilalka sida is daba joog ah uga dhaca dalkaas balse weli laguma guuleysan in arrintaas xal loo helo.

Japan

Waxaa maanta oo Axad ah la soo gabagabeynayaa shirka caalamiga ah ee horumarinta Afrika ee Tokyo kaas oo socday muddo labo maalmood ah, waxaana la filayaa in gabagabada shirka laga soo saaro bayaan wadajir ah.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay diblumaasiyiinta ugu sareysa wadamada Afrika iyo wakiilo ka socday ururada caalamiga ah.

Yemen

Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa shaacisay dhimashada 13 qof oo tahriibayaal ah, iyada oo sidoo kale la la’yahay 14 qof

Arrintan ayaa dhacday kadib markii doon ay la socdeen tahriibayaal u dhashay Itoobiya ay ku degtay xeebta gobolka Tacis ee Koonfur-galbeed ee Yemen.

Doonta oo kasoo amba baxday Jabuuti waxaa saarnaa 25 qof oo isagu jiray Itoobiyaan iyo dhowr qof oo Yemeniyiin ah, waxeyna ku degtay meel u dhaw degmada Dhubaab ee koonfurta Tacis .

Faransa

Dowladda Faransiiska ayaa xirtay aasaasaha aladda Telegram, Pavel Durov, fiidnimadii xalay, xilli uu kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Le Bourget ee u dhow caasimadda Paris.

Pavel Durov oo ah nin maalqabeen ah ayaa haysta dhalashada wadamda Ruushka iyo Faransiiska. Waxaa la socday xilligii la xiraayay ilaaladiisa iyo kaaliyahiisa gaarka ah, wuxuuna ka yimid dalka Azerbaijan, sida ay sheegtay warbaahinta Faransiiska

Telegram ayaa ka madax bannaan siyaasadda reer-galbeedka, waxaana adeegsada in ka badan dad lagu qiyaasay 900 oo milyan.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 324-ad, waxaana ku dhintay in ka badan 40 kun iyo 334 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 93,356 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 640 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here