Sunday, May 19, 2024

Itoobiya oo ku fashilantay in ay bixiso 33 milyan oo dollar oo dayn ah

Addis Ababa (Dawan)- Dowladda Itoobiya ayaa noqotay dalkii seddexaad ee Afrikaan ah   oo ku fashilantay in ay iska bixiso deyn gaareysa 33 milyan oo dollar taas oo ku jadwaleysan bishan December.

Lataliyaha sare ee dib u habeynta Maaliyadda, Xingat Shamil ayaa xaqiijiyay in lacagtaas aan la bixin doonin, xilligii loogu tala galay.

Itoobiya ayaa ku sababeysay dib u dhaca ku yimid deyn bixinta culeysda dhaqaale ee soo wajahay ka dib masiibada Covid-19 iyo dagaal sokeeye oo socday  muddo laba sano ah .

Itoobiya ayaa codsatay markii ugu horaysay in deynta laga cafiyo sannadkii 2021,  waxaasae howlaha deyn bixinta dib udhigay dagaaladii sokeeye iyo saciir barar dalkaas ka jiray taas oo keentay  In deyn bixiyayaasha rasmiga ah ee dawladda Itoobiya, oo uu Shiinuhu ka mid yahay in ay ogoladaan heshiis lagu joojinayo howlaha deynta bishii November ee lasoo dhaaafay.

Itoobiya ayaa kubiiraysa laba dal ee Zambia iyo Chana oo hore ugu guul darreystay in ay iska bixiyaan deynti lagu lahaa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here