Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray: Cadnaan Cabdi Cali, Weriye madax bannaan
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa 25 August hortagay Guddiga Ganacsiga Golaha Shacabka, si uu uga jawaabo su’aalaha ku saabsan xaaladda ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.
Kulankan oo muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray cabashooyinka ganacsatada, culeysyada canshuuraha, iyo arrimo kale oo saameyn ku leh horumarinta ganacsiga gudaha.
Dalabka Itoobiya ee Malaayga iyo Caqabadaha Horyaalla Soomaaliya
Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Soomaaliya ay la saxiixatay Itoobiya heshiis ganacsi oo ku saabsaban kala beddelashada jaadka iyo kalluunka, wasiir Jibriil waxa uu sheegay iney la fadhiisteen shirkadda Ethiopian airlines oo dalbatay in Soomaaliya maalintii ka Dhoofiso 15 tan oo kalluun ah, taas oo sanadkii gaareysa 5.4 kun oo tan kaliya. Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka ayaa caddeeyay in Soomaaliya aysan awoodin inay bixiso xaddi intaas la’eg, isaga oo sheegay ineysan jirin jirin shirkad kalluun oo maalinkii intaas heli karta, sababo la xiriira in dalka uusan lahayn keydad waaweyn oo lagu kaydiyo kalluunka, iyo in kalluunka Soomaaliya uu yahay mid xilliyeed (seasonal), taas oo keentay inaysan suurtogal ahayn in xaddi joogto ah la helo.
Sidoo kale, Wasiirka waxa uu xusay in korontada dalka oo qaali ah ay caqabad ku noqotay hirgelinta hawshaan. Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale aan awoodin inay sameystaan maraakiib waaweyn oo kalluunka soo jari kara, awood keydin leh, isla markaana suurta gelin kara in kalluunka loo dhoofiyo dalalka kale. Wasiirka ayaa soo jeediyay in loo baahan yahay maalgelin iyo iskaashi caalami ah si loo horumariyo kaabeyaasha ganacsiga kalluunka.
Caqabadaha Warshadaha Gudaha iyo Dadaallada Dowladda
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dalka laga furay warshad soo saarta shubka (asphalt), taas oo awood u lahayd inay soo saarto 72 tan oo shub ah 24-kii saac. Nasiib darro, warshaddan ayaa xirantay kadib markii bishii ugu horreysay lagu soo dallacay $80,000 oo ah qarashka korontada. Inkastoo warshaddu ay soo saari jirtay shub tayo sare leh, haddana ma aysan awoodin inay la tartanto qiimaha badeecadaha shubka ee laga soo dhoofiyo dibadda. Wasiirka ayaa ku baaqay in la qiimeeyo talaabooyinka lagu yareyn karo kharashaadka korontada si loo taageero warshadaha gudaha.
Khilaafka Rugta Ganacsiga, Cabashada Ganacsatada, iyo Arrinta Lacagta Hubinta Tayada
Mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee laga dooday ayaa ahaa khilaafka u dhexeeya Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo ganacsatada. Wasiirka ayaa ka hadlay xaaladda Rugta Ganacsiga, taas oo sharciyad la’aan ku shaqeyneysay muddo labo sano ah, iyadoo dakhli badan ka hesho dekedda iyo mashaariicda caalamiga ah. Wasiirka ayaa xusay in ganacsatada Soomaaliyeed ay la tacaalayaan caqabado waaweyn, oo ay ugu weyntahay kala qeybsanaan iyo kalsooni darro baahsan oo ka dhex jirta ganacsatada, taas oo curyaamisay horumarka ganacsiga gudaha.
Waxa uu sheegay in ay wadaan dadaalo lagu doonayo in lagu gaaro xal waara oo kama dambeys ah khilaafka ka dhexjira Rugta Ganacsiga iyo Ganacsatada qaar, Rugta ayaa hesha $0.5% Canshuurta Dakhliga guud ee Dekedda sidoo kale waxey Rugta ka heshaa lacago Gaadiidka xamuulka ee dekedda gala sida xubnaha Guddiga fadhiga ka sheegen, Ganacsatada ayaa saluugsan in aan waxba loogu qaban Dakhligaas Magacooda lagu sameeyo. Labo mar oo horay loo kala diray Rugta Ganacsiga 2020-kii ayaan hirgelin.
Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta lacagta hubinta tayada ee shirkadda Veritas, taas oo cabashooyin badan ka soo yeereen ganacsatada. Wasiirka ayaa caddeeyay in Dekedda Muqdisho ay bishii kasoo degto inta u dhaxaysa 7,000 ilaa 9,000 kunteenar oo badeeco kala duwan ah, kuwaas oo la marsiinayo nidaamka hubinta tayada. Lacagtaas, oo shirkadda Veritas qaaddo, ayaa 70% waxa qaata shirkadda, halka 30% ay dowladda qaadato. Wasiirka ayaa tilmaamay in lacagtaas ay hadda ku jirto hakad ka dib markii Golaha Wasiirrada uu go’aamiyay in la joojiyo nidaamkaas, balse ganacsatada dalka wax usoo dhoofinaya waxaa weli laga rabaa inay shahaado hubin tayada kasoo qaataan shirkadda.
Waxaa xusid mudan, sida uu Wasiirku sheegay, in lacagta hubinta tayada ee Veritas aysan ku waajibeyn ganacsatada gudaha Soomaaliya, balse ay tahay mid ku waajibeysa shirkadaha iyo warshadaha dibadda ay wax kasoo gataan. Wasiirka ayaa arrin yaab leh ku tilmaamay in ganacsatada ay diidan yihiin inay raacaan nidaamkaas, iyadoo ujeedadu tahay in la hubiyo tayada badeecadaha dalka soo gala.Wasiirka waxa uu xusay in shirkadda veritas kaliya ka howl gasho Dekadda Muqdisho.
Xiriirka Ganacsi ee Soomaaliya iyo Shiinaha
Soomaaliya ayaa si weyn ugu tiirsan badeecadaha ka yimaada Shiinaha, iyadoo sannadka 2023 kaliya ka soo dhoofsatay badeeco qiimaheedu gaarayo $1.1 bilyan oo doollar. Wasiirka ayaa xusay in ganacsatada heysta baasaboorrada dalalka deriska sida Itoobiya, Kenya, iyo Jabuuti ee badeecadaha Soomaaliya keena, ay dalka keenaan badeeco qiimaheedu ka badan yahay $1.1 bilyan oo doollar, taas oo si joogto ah loo diiwaan geliyo dalalkaas deriska ah. Wasiirka ayaa tilmaamay in arrintani dhaawac ku tahay halbeegga xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay heshiis la gashay Shiinaha, kaas oo dhigaya in 98% canshuur dhaaf loo sameeyo wax kasta oo Soomaaliya u dhoofiso Shiinaha. Wasiirka ayaa sheegay qorshe cusub oo ganacsatada Soomaaliyeed loogu fududeynayo inay baasaboorka Soomaaliya ku tagi karaan Shiinaha uu hadda socdo, taas oo sahleysa in laga maarmo baasaboorka dalalka deriska.
Gunaanad
Kulankan oo lagu gorfeeyay xaaladda ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka ayaa iftiimiyay caqabadaha waaweyn ee horyaalla Soomaaliya, iyo dadaallada ay dowladdu ku bixineyso sidii looga gudbi lahaa caqabadahaas.
Wasiirku waxa uu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee ganacsiga dalka, isagoo sharaxaad ka bixiyay dadaalka wasaaradda ee ku aaddan sidii loo horumarin lahaa ganacsiga gudaha iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah. Inkasta oo caqabadaha jira ay badan yihiin, haddana waxaa muuqata inay jiraan fursado badan oo lagu hormarin karo dhaqaalaha Soomaaliya iyo in fursado cusub loo abuuro ganacsatada gudaha.