Sunday, May 19, 2024

Beesha caalamka oo soo dhaweysay qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya

New York (Dawan)- Dalalka Saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay qorshaha horumarinta laamaha amniga ee Dowladda Soomaaliya, kaas oo lagu soo bandhigay shirka Amniga Soomaaliya ee Talaadadii (shalay) ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen dowladaha sida gaarka ah u caawiya Soomaaliya ayay ku celiyeen ballan qaadkoodka ku saabsan in Soomaaliya laga taageero weerarrada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, dadaallada xasilinta, iyo horumarinta dowlad wanaagga iyo dib u heshiisiinta siyaasadeed.

“Ujeedkeena fog waa in aan dowladda Federaaka taageerno si ay wiiqdo ugu dambeyna uga adkaato kooxda Al-shabaab, anaga oo kordhineynaa cadaadiska iyo istiraatiijiyada ka hortagga argagixisada” ayaa lagu yiri, qraalka kaoo baxay Beesha Caalamka.

Dalalka saaxibka la ah Soomaaliya ayaa muujiyay sida ay diyaar ugu yihiin in dowladda laga taageero qorshaha ay kula wareegeyso mas’uuliyadda amniga, waxeyna qireen guulaha ay gaareen Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo kaashanaya Macaawisley iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta Africa ee ATMIS.

“Waxaan soo dhaweyneynaa Qorshaha Horumarinta Amniga ee lagu soo bandhigay shirkaan, kaas oo ay ka mid yihiin in la dhiso Ciidamo iyo Hay’ado Soomaaliyeed oo tayo leh, isla markaana lala xisaabtami karo”. ayaa lagu yiri bayaanka Dowladaha Caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha dib u dhiska ciidanka, xoreynta deegaannada ay Al-shabaab ku sugan tahay, muhiimadda ay leedahay iskaashiga amniga qaranka iyo kan caalamiga ah, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyay kaalinta ay saaxiibada caalamiga ah iyo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ee Midowga Afrika-ATMIS ka qaateen dadaallada dowlad dhiska Soomaaliya.

“Aad ayaan uga mahadcelineynaa xaqiiqda ah in guusha maanta aysan suurtagal ahayn haddii aan la helin taageerada dowladaha caalamiga ah iyo naf-hurnimada ay sameeyeen ciidamada ATMIS . 16-kii sano ee u dambeeyay wiilal iyo gabdho Afrikaan ah ayaa nala dhimanayay oo dalka nala xoreynayay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Sida ay Villa Somalia hore u shaacisay, shirka waxaa lagu lafa guray Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya, Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

Shirka waxaa ka soo qeyb-galay dalalka, Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here