Thursday, September 19, 2024

Itoobiya oo ka carootay agabka milateri ee Masar kasoo dejisay Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Masar waxay Soomaaliya soo gaarsiisay maainltii talaadada gargaarkii ugu horreeyay ee milateri in ka badan afartan sano, sida ay Reuters kasoo xigatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Labo diyaaradood oo laga leeyahay dalka Masar ayaa subaxnimadii Talaadada soo gaaray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyagoo sida hub iyo rasaas, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen laba dublamaasiyiin iyo sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Tillaabadan ayaa loo arkaa inay cirka kusii shareeri doonto xiisadda seddex geesoodka ah ee ka dhexeysa dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Masar.

Inkasta oo xukuumadda Soomaaliya aysan war rasmi ah kasoo saarin hadana safiirka Soomaaliya u jooga dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare ayaa ka mahadceliyey bilowga agabka Millateri ee dowladda Masar iyo wafdi hordhac u ah diyaar garoowga Masar ay ugu jirto inay Soomaaliya usoo dirto Ciidamada nabad ilaalinta ee la qorsheeyay in lagu beddelo ATMIS marka la gaaro Janaayo 2025.

“Agabka Millateri iyo wafdiga gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxay hordhac u yihiin diyaar garowga Masar ee ka qaybgalka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM)” ayuu yiri Awaare

Safiirka Soomaaliya ayaa ku amaanay Masar inaysan marnaba ka laba labeyn taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo caddeey in Masar ay noqon doonto dalkii ugu horeeyay ee ciidamo taageera ah geeysa Soomaaliya ka dib marka ay baxaan ciidamada Midowga Afrika ee hadda jooga.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo u muuqatay inay arrimahan ka jawaabeyso ayaa walaac ka muujisay dhaqdhaqaaqyada ka socda gobolka iyo isbedelka hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

“Itoobiya isma saaran doonto gacmaha, iyada oo ay jiraan dhinacyo kale oo qaadaya tillaabooyin qalqal gelinaya xasiloonida gobolka” sidaas waxay Itoobiya ku tiri warsaxaaafdeed ay soo saartay waxeyna raacisay inay si feejigan ula socoto isbedellada ka socda gobolka oo khatar gelin kara amniga qarankeeda.

Itoobiya waxay sheegtay in horumar laga gaaray wadahadalladii ka socday Ankara ee kala dhexeeyay Muqdisho balse waxay Soomaaliya ku eedeysay inay gacan saar la leedahay jiho kale (ma carrabaabin) oo dibadda ah taas oo ujeedadeedu tahay qalqal gelinta gobolka

“Itoobiya waxay ka qeyb gashay wadahadallo ballaaran oo lagu xallinayo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, waxaana wadahadalladan laga gaaray horumar la taaban karo”

Waxay intaas ku dartay “Dowladda Soomaaliya waxay gacan saar la leedahay kooxo dibadda ah oo ujeeddadoodu tahay inay qalqal geliyaan gobolka”.

Masar iyo Soomaaliya ayaa sanadkan aad isugu soo dhawaaday ka dib markii Itoobiya ay heshiis is-afgarad ah la gashay maamulka baadi goobka ugu jira aqoonsi caalami ah ee Hargeysa kaas oo ku saabsanaa inay gaarto badda halka Somaliland loo ballan qaaday aqoonsi.

Xukuumadda Soomaaliya waxay heshiiskaas ku tilmaantay mid sharci darro ah oo ku xad-gudbay qaranimdeeda , waxayna sheegtay inay uga hortagayso wax walba oo lagama maarmaan ah.

Masar iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday bartamihii bishaan August heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah, inkasta oo aan faahfaahnitiisa lala wadaagin warbaahinta.

Itoobiya iyo Masar waxaa ka dhaxeeya khilaaf soo jireen ah oo salka ku haya dhismaha biya xireenka Al-Nahada kaas oo hoos u dhigaya qulqulka webiga Niil oo beeraleeyda Masar ku tiirsan yihiin.

Soomaaliya iyo Masar waxay hadda ka duulayaan mabda’a ah “Cadowga cadowgeyga waa saaxiibkeey”.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here