Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo (home) ka dhigatay Morocco iyo liiska ciyaartoyda oo lasoo saaray

Muqdisho (Dawan)- Tababaraha xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, Rachid Lousteque ayaa ku dhawaaqay liiska rasmiga ah ee ciyaartooyda xulka Soomaaliya ku meteli doonta kulamada hordhaca ah ee isreeb-reebka koobka Qaramada Afrika.

Xulka Soomaaliya ayaa wajahi doona dhiggiisa Eswatini, iyada oo xiriirka kubadda cagta ee Morocoo uu u ogolaaday Soomaaliya in ay dalkaas ka dhigato home kuna ciyaarto kulanka ugu horeeya oo la filayo inuu ka dhacao garoonka Al-Cabdi 20-ka bishaan March

Liiska ciyaartooyda Soomaaliya

Isku aadka hordhaca ah, waxaa ku jira sideed dal kuwaas oo ah dalalka meel hoose uga jira qiimenta FIFA, waxeyna kala yihiin Soomaaliya, Jabuuti, Sao Tome, Chad, Mauritius, South Sudan, Liberia iyo Eswatini.

Lugta koowaad iyo Labaad ayaa lagu wadaa in la ciyaaro bisha March 18-keeda ilaa 26-keeda

Heerka kubadda cagta Soomaaliya ayaa kor usoo kacay sannadihii ugu dambeeyay, iyada oo shacabka Soomaaliyeed u wada riyaaqay guushii ay xulka 17-da Soomaaliya kasoo hooyeen tartamadii ugu dambeeyay ee ay ka qeyb galeen iyo qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qurbaha ayaa billaabay in ay ku qancaan metelaadda Soomaaliya taas oo markii hore aad u cusleed iyada oo loo sababeynayo isbeddelka ka dhacay kubadda cagta iyo guud ahaan dalka.

Guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta ee Afrika ayaa ku dhawaaqay in dalka Morocco uu marti gelin doono koobka qaramada Africa sannadka 2025, kadib markii uu helay aqlabiyadda codadkii guddiga fulinta, iyada oo ay isaga hareen tartanka dowladihii la tartamaayay ee kala ahaa Algeria, Zambia iyo Nigeria.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here